London: Somali Mataano Ah Oo Xabsi Saddex Sannadood Ah Lagu Xukumay Iyo Sababta

0
616

 

1272268908_101London (Geeska/AP) – Laba walaalo mataano Soomaali ah ayaa lagu xukumay xabsi saddex sannadood ah Ingiriiska ka dib markii lagu eedeeyey inay taageero dhaqaale u fidiyeen argagaxiso dibedda ah, sida saraakiil sheegeen shalay.

 

Maxamed Shabir Cali iyo Maxamed Shafiq cali oo 25 jiro ah ayaa lagu xukumay maxkamada debiyada ee London, maalin ka dib markii ay cadeeyeen inay denbiyada qaarkood galeen.

Labadan walaalaha aya ala sheegay inay qeyb ka ahaayeen “Shabakad taageerayaal ah” oo walaalkood 29 jir ah Maxamed Shamim cali, uu xilligan tababar argagaxiso ugu maqan yahay Soomaaliya, sida xeer-ilaaliye Timothy Cray sheegay. Waxa la keenay cod telefoon laga duubay iyagoo la hadlaya walaalkood, oo urur gargaar iska dhigaya, sida Cray sheegay.

Mataanahan aya ahore loogu eedeeyey inay ku caawinayeen dadka samaynta falal argagaxiso, kaasoo xukunkiisu yahay xabsi daa’in, marka loo eego xabsiga 14 sannadood ee taageerida lagu eedeeyen

Ciidamada Booliiska ayaa xaqiijin kari waayey xadiga lacagta walaalahan direen, laakiin labadan eedeysane ayaa ku dooday inay ahayd  3,000 pounds ($4,700).

"Waxay ogolaatay maxkamadu inay lacagta u direen arrimo aafimaad awgeed ka dib markii walaalkood xag jidh iyo maskaxba waxyeelo gaadhay, inkastoo loo filan karo in taasi ahayd qorshahiisa inuu argagaxiso sameeyo," ayuu yidhi garsoore Adrian Fulford.

"Way cadahay inay ogaayeen in walaalkood doonayo dhaqaale iyo sababta," ayuu raaciyey garsoorahu.

Fulford ayaa sheegay inuu talada ku darsaday in nimankani hore akhlaaqdoodu u wacnayd, isla markaana muujiyeen "Masuuliyad balaadhan" ka dib markii ay markhaati sannadkan horaantiisi ka noqdeen in afar nin lagu xukumo dil ay gaysteen.