Laba Sano iyo Hawlgalkii Dawladda: Qore: Yuusuf Goodir M.

0
739

 

Laba sano ayaa ka soo wareegtay hogaamintii Axmed Siilaanyo. Qiimaynta labadaa sano waxaa miisaan u ah saddex qodob. In laysu miisaamo xaaladdii wadanku ku sugnaa iyo ta maanta, balan qaadyaddii doorashadda, iyo aafooyinkii ka hor yimi dhamaantood waxaa ku xayn daaban xili laba sano ah.

Hordhac: Xaaladdii wadanku ku jiray waxay ahayd mid lagu tilmaami karo dawlad kacday. Ugu horayn, hanaanka dawladeed ma dhamays tirnayn. Tusaale ahaan, shaqaaleheedu ma sugnayn (tiro koob laa’aan), waxaa jirtay caaglaysi; cududda arimaha guduhu waa ciidanka nabad gelyadda, laakiin, ninka booliiska ahi hawlgalka ciidan wixii uu ku gaysto qabiil ayuu kula eeran jiray; waxaa dhici jirtay in qaar ka mid ah wasiiraddu  qaranka qabiil ku kala gayso. Lama sheegin taariikhda dawladdaha in ilaacad qaran laga baahiyo in dadka qarankaa u dhashay qayb ka mid ahi ka baxdo magaalo madaxda, dawladda Rayaale ka hor! Qaran jab ayay ahayd! Muuqaalka dusha ee madaxtooyadda qaranku wuu aradnaa basaasina way ka muuqatay, gudeheedana qaawanaan iyo basarinimo ayaa indhuhu ka meer-meeri jireen, sawirka arimaha debedda ee ay bixinaysayna wuu liitay; Sidoo kale xuduudaha wadanku ma wada sugnayn. Hanaankaas maqan ka sokow, hawl gal dawladeed waxaa saldhig u ah dhaqaale, waxay dhaxashay khasnado madhan, iyo weliba dayn.

Meelaha niyad wanaagu ka muuqday waxa ka mid ahaa ciidan qaran oo asluubtiisa iyo kala danbayntiisu aad u sarayso, laakiin laga hagraday derajadii.

Maantana: labadii sano waxay dawladdu ka hawl gashay hanaankii dawladnimo. Waxaa la sameeyey tiro koob shaqaale iyo ciidanba koobsanaya. Dawladdu uma muuqato in ay bulshadda kala qaybinayso, ninka booliska ahina wuu dareen san yahay in hawl galkiisa dawladi ka danbayso. Ismuujintii (gesture) ugu horeysayba waxaa la iftiimiyay muraayaddii wadanka –madaxtooyaddii. Xaga dhaqaalahana dayn bax iyo miisaaniyad laban laabantay ayay soo kordhisay. Dhaliilaha ugu mudan ee dawladdu waa mid kala socota oo aan laga filayn hanaan maamul oo uu horseed ka yahay madaxwayne siilaanyo.

Wax qabadka:

Qorshayn: Hore u marka waxaa saldhig u ah qorshe la higsaddo. Dawladdu waxay soo bandhigtay qorshihii shanta sano. Waa tilmaanta jidka hore u marka, la’aantiina nolol wanaagsan lama hawaysto.

 Mushaar kordhintii. Balan qaadyaddii xisbiga Kulmiye waxaa ka mid ahaa in ay kordhin doonaan mushaarooyinka. Taasi waxay ahayd geesinimo, guul baanay ku dhamaatay. Kordhinta mushahaarooyinku waxay abuuraysaa shaqo wanaag. Si aan toos ahayna waxay uga qayb qaadataa shaqo abuurista.Nin boolis ah ayaanu wado ku rafiiqnay waxaan warsaday sida noloshu isu bedeshay intii dawladani timi. Aad buu ugu nuux-nuuxsaday isagoo leh markii hore dadkaanu ku dul noolayn, imikana waanu u shaqaynaa.

Biyaha: Dawladdu waxay qayb ka ahayd sahankii biyaha oo gebi ahaanba wadanka laga qaaday. Maantana dhulka intii isku dhowba waxaa la og yahay halkii laga qodi lahaa ceel biyood (riig.) Sidoo kale wakaaladaha biyaha ee Hargaysa iyo Burcoba waxay muujiyeen maamul wanaag.

Arimaha Gudaha: Dawladdu waxay si farshaxanimo ku jirto ugu guulaysatay daminta iska hor imaadkii hubaysnaa ee ka dhacay Ceerigaabo. Sidoo kale gurmadkii deg-dega ahaa ee Ciidanka Qaranku ku dhex-galay colaaddii ka ogoogantay Kalshaale, Alle mahaddii waxaa ku baaqday dhiig badan oo daata. Go’aankii lagu aasay berkedihii halkaa laga qoday waxay ahayd talaabo geesinimo ah oo madaxwaynuhu qaatay.

Dib u Dhis: Dawladdu waxay ka qayb qaadatay wadooyin la dhisayo, sidoo kale waxaa mudo yar lagu dhamays tiray biriijkii Hargaysa oo mudo dheer dhismihiisu jiitamayay, iyo weliba hore u marinta dekedda Berbera. Si la mida dawladdu waxay gelbinaysaa casriyaynta garoomadda diyaaradaha ee dalka. Waxaa si wayn boodhka looga tumay dhismayaashii wasaaradaha iyo doo meelaha qaarkood laga qotomiyay kuwo is muujiyay.

Arimaha Debedda: Intii Somaliland jirtay arimaha debedda waxaa mudnaanta la siin jiray aqoonsi raadin. Dedaalkaa dawladda Siilaanyo waxay ku soo kordhisay in ay go’aan ka qaadato is hor-fadhiisi Soomaaliya lala yeesho. Umay muuqan halis, waayo in kulamadaasi dhacaan waxay ahayd aragti wadamo aynu saaxiib nahay ka timi, isla markaana hore aynu u ogayn soofka marinkooda. Guushu ma ahayn in aynu Soomaaliya is hor-fadhiisano, dulucdu waxay ahayd Somaliland oo si rasmiya dunida loogu bandhigay. Heshiisyaddii ka soo baxayna waxaa loo gudbiyay xafiiska Qaramadda Midoobay ku leedahay New York.

Lacag bedelistii. Dawladdu waxay ku guulaysatay in ay Gobolka Tog-dheer ka bedesho lacag loo bixiyey giinbaar ama barqash oo Soomaaliya laga isticmaali jiray. Dhawr jeer ayaa miisaaniyaddii dawladdii Rayaale lagu daray kharashkii lagu bedeli lahaa barqashta may suuro gelin. Waxaa lay sheegay nin waayeel ah oo degan Galbeedka magaaladda Burco oo qaadan kari waayay in lacagtaa la bedelayo, markii ay rumowday ayuu ku luuqeeyey hees geela loo qaado:

  Nina Dhuunuu kuugu Dhaadhacay

Nina Dhaqashuu kuugu Dhabar Jabay

Ilaacaddii: Marka la eego ilaacad Somaliland yeelato waxay ku danbaysay caruurtii reer Guure Raaca looga sheekayn jiray. Dawladdii hore dhawr jeer ayay miisaaniyadda ku dartay in ilaacad wadanka la keeno. Dawladdani keentaye aynu eegno in ugu yaraan Somaliland gudeheeda laga wada maqlo.

Dhaliilaha:

Dawlad kala socota. Xili madaxwaynuhu ka soo noqday safar uu ku tegay Ingiriiska ayay weriyayaashu qolka nasashadda ee garoonka diyaaradaha ku waydiiyeen in dawladdiisu kala socoto. Madaxwaynuhu ganafka ayuu ku dhuftay. Waxay ka midtahay ayaan darooyinka ragaadiyay dawladda. Waxaa caado noqotay in madaxda dawladdu saxaafadda isugu jawaabto, hadday noqoto wasiiro, gudoomiyaal gobol iyo qaar kaleba.

Qodobka kalena waa xogta dawladda oo si dhakhso badan u soo gasha suuqa. Tusaale ahaan, xogta shirarka wasiiraddu marar badan kama raagto in suuqa lagu faaqido.

Tayadda madaxda dawladda. Waxay iigu muuqatay in aanu madaxwayne Siilaanyo sii qorshaysan cida hagi doonta dawladiisa, ka hor intii aanu talada hogaaminta ku guulaysan. Taasina waxay la timi culays. Marka la eego wasiiradda xulkii uu madaxwaynuhu keenay waxay ahaayeen biyo kama dhibcaan. Waxaase muuqatay in agaasimayaasha iyo gudoomiyayaasha goboladda  intooda badan uu xilku culays wayn ku ahaa. Ta ugu habooni waxay ahayd in la hufo oo ninka xilkiisa ka soo bixi kariwaaya meel uu ku haboon yahay la geeyo. Bilowgii, xilalkii uu madaxwaynuhu bedelay sidaas way u muuqatay, laakiin markii danbe tusmadaasi way ciirtay.

 Meelaha dhaliilaha xoogani ka yimaadeen waxa ka mid ah, xil u dhiibista xubno dawladdii hore la soo shaqeeyey oo aad loogu eedayn jiray musuq maasuq. Waxaa la rumaysan yahay in taasi ay salka ku hayso mucaarid beel adeeg sanaya, madaxwaynuhuna u badheedhi kari waayay.

Shaqo la’aanta. Xiligii mucaaradka xisbiga kulmiye waxay aad uga hadli jireen suudal wax ka qabashadeeda, oo salka ku haysa shaqo la’aanta. Marka laga hadlayo hanaanka dhaqaalaha dawlad shaqaaleheedu wuu kooban yahay. Laakiin, waxay leedahay siyaasad dhaqaale oo u adeegaysa in shaqo abuur dhoco, kuwa ugu waawayn ee dawladi adeegsato waxaa ka mid ah sida cashuurteedu u abyan tahay. Guud ahaan, dawladdu waxay abuurtaa jawi dhiiri geliya sida shaqadu ku imanayso. Weli may soo if bixin yididiilo lagaga nasto shaqo la’aanta berinsatay carigeena.

Meelaha shaqo abuuristu ka hirgeli lahayd waa wershadda sibidhka oo laga dhigo ganacsiga ka loo yaqaan (corporation,) waxay la gaar tahay in khayraadka si siman loo wada qaybsado, wadana u furto wada lahaanshaha ganacsiga cilmiyaysan.

Siyaasadda Arimaha Debedda: Cadowga ugu wayn ee Somaliland leedahay waa Soomaaliya, waayo, si aan gabasho lahayn ayay u diidaan gooni isu taageena; si indho la’aan ahna waxay u dedefayn jireen sida aynu wax u qabsanay. Markaa ma toosnayn in madaxwayne Siilaanyo ku cel-celiyo erayga walaaleheen, oo maanta shakhsiyaad kalena ku daydeen. Safarkii wasiiradda debedda iyo madaxtooyaddu ku tageen Masar wuxuu ahaa mid guul daro ah. Waayo, wadankaasi wuxuu ka mid yahay kuwa dagaalka inala galay, ta kale xiligaa Masar xataa wadamadda danta wayni kaga xidhan tahay may marti qaadi karayn; ma muuqan cid Masar go’aan u qaadi karaysay.

Meelaha dhaliilaha waawayni ka jireen waxaa ka mid ah Turkiga iyo sida uu iloola dhaqmay. Ardaydeenii waxaa la geeyey Muqdisho si ay waxbarasho Turkiga ugu tagaan. Sidoo kale baasaboorkeenii uma muuqan in halkaa lagu tegi karo sida wadamadda kale aynu ugu socdaalo. Madaxdeenu ha ogaato in tafo xaydadka Turkigu tahay mid uu danihiisa kaga shaqaynayo, markaa dan baa ina dhextaal. Tusaale ahaan, haddii uu yidhaahdo waxaan dhisayaa wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, laakiin, baasaboorkiina aqbalimaayo, meel ka dhac bay inagu tahay, Somalilandna waddo way ka wayn tahay. Maxaa diiday in madaxda wax barashaddu booqasho ku tagaan Turkiga iyo wadamadda kaleba waydiistaan deeq wax barasho.

Ilaalin la’aanta bulsho waynta: Baahida dawadda, dhakhtarka iyo wax barashadda waxaa ka abuurmay ganacsi. Tusaale ahaan, wadanka waxaa la keeni jiray dawooyin aan tayo lahayn, iyo weliba dhakhtar degdeg lacagta u uruurinaya, taasi waxay tacadi ku ahayd umadda weliba ta danyarta ah. Tusaale ahaan, sheekooyinka naxdinta leh waxaa ka mid ah dad mudo dheer laga dawaynayey xanuun, markii maare loo waayayna loo qaaday debedda, nasiib darose, xanuunkoodii noqday kansar xiligii dawaynta dhaafay. “Hudheelkaa waxaa ku jirta haweenay wadankii laga keenay oo lagu yidhi iska sug wedka!” waxaa caafimaad loo geeyey Adis-Ababa. Guriga igu xiga ayaa nin waayeel ah oo buka la keenay. Waxay eheladiisu ii sheegeen in ay geeyeen isbitaal iyo dhakhtar gaar ah, mid wuxuu ku sheegay sida loo tibaaxay dhiig kar, ka kalena macaan. “Irbaddo ayay kala daaleen aabahay, markii uu ka soo rayn waayay ayaanu u qaadnay Hargaysa, iyana waxay nagu yidhaahdeen macaan iyo dhiigkar midna ma hayo.” Ugu danbayntii luxudka ayaa lagu hubsaday. Kuwaasi waa dhakhaatiirteena siday u badan yihiin.

La soco……

Taas waxaa weheliya, Somaliland oo u muuqatay wadan aan cidi lahayn intii ay jirtayba. Dad shisheeye ah ayaa ku soo qul-qula iyagoo nolol raadis ah. Ogolaansho ayay helaan ay ku furan karaan isbitaalo iyo jaamacaddo amaba way iska furtaan. Halkaasna waxa ka bilaabanta dad iyo daawayn xumayn. Wasaaradda caafimaadku ma waxay joojin kari wayday dadkan iska imanaya ee boodhadhka dhakhtar iskaga qoranaya? Waa in maxkamad lala tiigsaddo, waayo, qof xanuunsanayaa tii loo qoroba wuu qaadanayaa. Imisaa ku dhinta ama xanuun kale ka qaada? Dadkeenu siday u badan yihiin ma hubsan karaan kaasi wuxuu farayo iyo hanaankiisa dawoba.

La soco………..

Dawladda Axmed Siilaanyana weli talaabo xoogan halkaa kamay qaadin.

 

Garsoorka: Guud ahaan hore u mar wadan sameeyaa wuxuu ku xidhan yahay garsoor. Waxay ka mid ahayd meelaha uu madaxwayne Cigaal aadka ula yaabay, mar waxaa laga qoray in maxkamadaha dawladda ay yimaadaan dadka aan doonayn in ay kala baxaan. Sidoo kale Rayaalena mar la waydiiyey, talo wuxuu ku bixiyay in laaluush bixinta layska daayo. Madaxwayne Siilaanyona wey legdamayaan. Dhawaan waxaa ina ruxday dacwad lagu xidhiidhiyay raashin mucaawimo ahaa oo la dhacay. Mar hiil bay u ahayd sheekaddii ahayd “Ciraaq keentaye Caydha yaa siin,” marna madmadow wayn baa ku jiray in hawlgalkaasi siyaasadaysnaa. Haddii siyaasadda iyo garsoorku is dhex galaan waa dab iyo shidaal duniddii gubatay, hore u marna daa. Cadaalad xumaddu waa camadhka kobcinta nolosha wanaagsan.

 

Aafooyinka: Bilowgiiba mucaarad af-ku xoogle ah oo u muuqday shini malabkii laga goostay ayaa ka hor yimi dawladdii curdinka ahayd. Soo rogaal celinteediina miciinsatay shakhsi weerar sida hawl gab madaxwayne, iyo cid kalaa talisa.

 

Markii ugu horaysayba waxaa si buuxda loo diiday in laga xisaab tamo hantidii qaranka. Masuuliyiin hormood ka ahayd xukuumaddii hore ayaa dhamarka saartay qabiil, meelaha qaarkoodna wuxuu u muuqday in iska hor imaad ka aloosmayo. Dawladu dhibaatadaa waxay ku xalisay in ay joojiso baadhistii masuuliyiintii kulaalaysay hantidii qaranka -wasaaraddii maaliyadda iyo bankiga dhexe. Sidoo kale saddexdii bilood ee ugu horaysayba waxaa jiray mucaarid afka gacanta saaray. Tusaale ahaan, waxaa hormood ka ahaa inta aan akhriyey labada qoraal oo kala ahaa Maanta: Shalay Dhaantay iyo Buugga Banaamijka Kulmiye Dalka Laguma Xukumi karo.

Way furan tahay in laga hadlo dawladda iyo hawlgalkeeda waayo inagaa leh. Laakiin kumaa faaqidi kara, sidee baase loo faaqidayaa? Hubanti, qofkasta oo Somalilander ah, ka doonaya in uu umadda wax dhacsiiyo masuuliyad baa saaran. Waa tii aqoonta haddii uu sheegato; waa wadaniyadda haddii ay kugu abuuran tahay; waa tii noloshadaada haddii aad garato. Inta badan aragtida aynu muujinaa kuma salaysna hanaan cilmiya, waayo, waayadeed dee! Halkan maynu joogneen. Haddii aad doonayso in aad dawladda iyo cid kaloo masuul ah la xisaabtanto saddex arimood ayaa muhiim ah:

Aragtidaadu xidhiidh ma la leeyahay dhaliisha aad jeedinayso (relevance)

Maxaa kugu xambaaray dhaliisha ka hadalkeeda (motive)

Dhaliil mug leh ma tahay (materiality)