Maayarka Degmada Duruqsi Oo Ka Hadlay Xaalad Abaareed Oo Jiiddaas Ka Jirta

0
547

 

ABAAR-1 (4)Burco(Geeska)-.Guddoomiyaha degmadda Duruqsi ee gobolka Togdheer Axmed Cabdi Gaabyoome ayaa ka dayriyay xaalado abaareed oo soo food-saaray deegaankaasi iyo deegaamada ku xeeran kuwaas oo u baahan gurmad degdeg ah isla markaana saameyn xoolo badan ku dishay deegaamadaasi .

 

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa  wasaaradda caafimaadka usoo jeediyay in ay wax ka qabato qaar ka mid ah adeegyadda caafimaadka oo jiidaasi ay biihi xoogani ka haysato .

 Axmed Cabdi Gaabyoome ayaa sidaasi ku sheegay Shir jaraa’id oo uu warbaahinta ku siiyay xogwaran magaalada Burco oo uu safar shaqo ku joogay waxaana hadaladiisii ka mid ahaa . “ Degmada xili roobaadkii guga ee ina dhaafay  ma helin ,waxaanan odhan karaa maanta xoolihii dadkaasi haystay boqolkiiba afartan ayay  abaarahaasi galaafteen ama Afartan iyo shan ,markaa runtii xaga abaaraha bulshada iyo xoolaha ku dhaqan deegaamadaasi dhibaato badan ayaa ka haysaa oo imika ku dhaw barakac ,sidaa awgeed waxaan leeyahay dhibaatadaasi intaaney barokac keenin  dadka wixii loo qabankaraayo ha loo qabto ,qaylodhaan degdegana haloo sameeyo “ Sidaasi ayuu yidhi Inaga Gaabyoome.

Waxa kale oo uu ka dayriyay Duqa Duruqsi adeegyadda bulshada degmadaasi oo ay ka midyihiin caafimaadka iyo boolis la’aan .“Degmada waxa hoosyimaada 16-tuulo waxa kale oo jira 90 Tuulo oo ay u adeegto oo xuduudka ka hooseeya markaa waxa loo baahanyahay in adeega caafimaadka degmadda sare loo qaado oo Ambalaas la keeno iyo shaqaale dheeriya waayo baahida caafimaadka deegaankaasi aad ayay u badantahay sidaasi ayaan usoo jeedinayaa wasaaradda caafimaadka  .waxa kale oo ay degmadu u baahnatahy ciidamo boolis ah oo dheeri ah oo nebedgelayada ka shaqeeya iyo gaadiid  .