Lix Arrimood Oo Sabab U Noqon Kara Xaalado Caafimaad Darro Oo Qofka Noloshiisa Galaafta (Q.1)

0
638

London (Geeska)- Wacyi la’aanta iyo aqoonta ay dadku u leeyihiin xidhiidhka ka dhexeeya cuntada iyo caafimaadka oo hooseeya awgeed inta badan waxaa dhaca qaladaad dhinaca cuntada ah iyo hab-dhaqanno dhaawac gaadhsiiya caafimaadka qofka, lana arko in ay gaadhaan heer ay keeni karaan xaalado caafimaad darro oo nafta galaafan kara.

Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waa aynu ku eegaynaa caadooyinka cunto iyo cabbitaan ee ugu khatar badan caafimaadka sida ay caddaynayaan daraasadaha khubaradu sameeyeen.

1. Ku talax tagga biyo cabbista:

Sannadkii 2008da, waxaa geeriyootay hooyo 40 jir ah oo laga raacay 5 Litir oo biyo ah oo ay laba saacadood gudahood ku cabtay, xilli ay wadday barnaamij ay miisaanka iskaga dhimaysaysay. Jidhkeenna intiisa badani waxa uu ka kooban yahay biyo, cabbitaanka biyuhuna waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu fiican caafimaadka qofka. Laakiin dhinaca kalana waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijinayaan in biyo aad u badan oo waqti kooban gudihiisa lagu cabbaa ay halis u yihiin in ay burburiyaan isku dheelli-tirnaanta dabiiciga ah ee cusbada iyo macdanaha kale ee jidhkeenna ku jira. Arrintaas oo markaba sababaysa in kelyuhu ay awoodi kari waayaan in ay dhaqso u saaraan biyaha saayidka ku ah, culayska badan ee shaqo ee kelyaha fuulaya iyaga oo doonaya in ay iska saaaraan dareeraha saayidka ah ayaana u dhow in uu kelyaha hawlgab ka dhigo.

Sidoo kale biyaha oo si aan caadi ahayn oo dhaqso ah jidhka ugu bataa waxa ay yareeyaan maadadda Sodium ee dhiigga ku jirta, waxa aanay keeni karaan xaalado caafimaad darro oo aakhrika dhimasho sababi kara. Haddaba waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofku uu biyaha cabbo isaga oo ka taxaddaraya in uu waqti yar biyo aad u badan ku cabbo iyo in uu xaddiga biyaha jidhkiisa gelayaa bato, waayo waxa ay keeni karaan in biyaha laftoodo sun isu beddelaan.

2. Cuntadu mar bay sun isu beddeli kartaa:

Marar badan ayaa aynu cunnaa cuntooyin aynaan ogeyn khatarta caafimaad ee ay jidhkeenna ku keeni karaan, waxaa ka mid ah:

Baradhada muddo istoodhka taalla ee yeelata baraha yaryar ee cagaaran ama cayayaanku ku dhasho. Baradhadu marka ay sidan noqoto waxaa ku dhasha maaddo sun ah oo lagu magacaabo Solanine.

Tamaandhada cagaaran waxaa marar badan ku dhasha noocyo sun ah, sidaa awgeed waxaa talo caafimaad ah in aanad iibsan illaa ay noqoto tamaandho bisayl casaan ah noqotay.

Beedku marka uu xumaado (Khaayiso) waxaa ku dhasha bakteeriya lagu magacaabo Salmonella. In kasta oo aanay bakteeriyadani sideeda sun u ahayn, haddana marka ay dhiigga gasho waxa ay ku keentaa cillad dhimasho keeni karta.

Hilibka oo aan si fiican loo karin, gaar ahaan hilibka aadka u shilis, ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu keeno khatarta ah in ay ka dhashaan isku-dhisyo organic ah oo lagu magacaabo Dioxins, laguna tilmaamo sunta kiimikada ka samaysanta inta illaa hadda taariikhda aadamaha la og yahay ta ugu khatarsan ee sida ug udaran u wax yeellaysa caafimaadka qofka. Dioxins dhibaatooyinka kale ee ay keento waxaa ka mid ah in ay raadayn taban ku yeelato hab-dhiska taranka ragga iyo dumarka, in ay burburiso hab-dhiska difaaca, in ay khalkhaliso samaysanka hormoonnada jidhka.

Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in laga fogaado cunista cuntooyinka hidde-sidayaashooda wax laga beddelay ama sunta cayayaanka lagu buufiyo. Sidoo kale waxaa khatar caafimaad leh oo ay tahay in laga fogaado, cuntooyinka qasacadaysan ee leh maaddooyinka midabaynta loo isticmaalo iyo maaddooyinka loogu talogalay ilaalinta cuntada, oo labadaba ay isticmaalaan warshaduhu, aadna loogu isticmaalo cuntooyinka warshadaysan ee kuwa khafiifka ah loo yaqaanno, Sida sharaabbada, buskuddada, mac-macaannada warshadaysan, caanaha warshadaysan.