Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Qaadacaada Somaliland Ee Shirka London, Sheegtayna Inay Diyaarinayso Liiska Ergada Shirkaas

1
559

 

 

Picture3London(Geeska)- Wasiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Mark Simmonds, ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay xukuumadda Somaliland ka qayb gasho shirka Somalida ee bisha May lagu qabanayo magaalada London.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhawaan sheegay inaanay Somaliland shirkaas ka qayb geli doonin, maadaama oo uu yahay mid u gaar ah dawladda Somaliya. Hase yeeshe Wasiirka Ingiriiska ee Afrika, ayaa sheegay inay ku hanweynyihiin inay Somaliland shirkaas ka qayb gasho. “Siyaasiyiinta Somaliland waxay door wanaagsan  ka ciyaareen shirkii Somaliya ee sannadkii hore, waxaanan rajaynayaa inay sidii oo kale sannadkana ay ka soo qayb geli doonaan.” Ayuu yidhi Wasiir Simonds, oo shalay u waramay laanta Afka Somaliga ee BBC-da. Mar la weydiiyay inay shirkaas ku casuumeen Somaliland, wuxuu yidhi Wasiirka Ingiriisku, “Weli waanu ka shaqaynaynaa liiska dadka la casuumayo, waxaanan aad ugu hanweynahay inay ka soo qayb geli doonaan.”

Wasiirku waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin taageerista dawladda Somaliya, isla markaana ay xaqiijiyaan sidii taageerada beesha caalamka loo mideyn lahaa oo ay u eegi lahaayeen meelaha ay ahmiyadda siineyso dawladda Soomaaliya.

Shirkaas ay Somaliland qaadacday ee uu Ingiriisku qabanayo bisha May, waxa wada guddoominaya Raysalwasaaraha Ingiriiska iyo Madaxweynaha Somaliya.

Comments are closed.