Liibiya Oo Qabatay Doomo Siday 850 Tahriibayaal Ah

0
560

Afhayeen u hadlay dawladda Liibiya ayaa sheegay in ay qabteen todobo doomood oo siday dad ka kala yimid dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ku jiraan 79 haween ah oo 11 ka mid ah ay uur leeyihiin.

dddd

Doomahaas waxaa laga qabtay meel u dhaw Sabratha oo galbeedka ka xigta magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

In kabadan soddon kun oo muhaajiriin ah ayaa Liibiya ka gudbay oo Talyaaniga gaadhay sanadkan oo kali ah.

Arrintanina waxay imaanaysaa iyada magaalada Istanbul uu ka furmayo shirkii koobaad ee caalamku uu uga arrinsanayo arrimaha banii-aadminimada ee Qaramada Midoobay ay soo qaban qaabisay.

Hogaamiyeyaal dalal, hay’addaha gargaarka iyo kuwo kale ayaa ka arrinsan doona jawaab celinta maaliyadeed ee arrintan iyo sida ugu wanaagsan ee loo gargaari karo ku baahida wayn qaba.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 15 bilyan oo doolar ay ka hoosayso kharashaadka gargaarka ee sanadkii loo baahan yahay, lacagiha iyo deeqda la helana aysan soo dhaafin arrimaha aasaasiga ah.

Si kastaba ha ahaatee hay’dda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa diiday in ay ka qayb gasho shirkaas, waxayna ku doodayaan in aan dawladdaha culays lagu saarin in ay jabiyaan xeerarka xuquuqda aadanaha isla markaasna aanay ka soo bixi doonin balanqaadyo cusub.