Xildhibaan Axmed-gacan Oo Cadaalad Darro Ku Tilmaamay In Qareen Guled Laga Qaado Ruqsada

0
503

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida arrimaha guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa sheegay in aanay Xukuumaddu waxba ka ogeyn arimo badan oo socda oo dhibaato ku ah Somaliland.

dddd

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa isagoo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale khalad ku tilmaamay in ruqsada qareenimo lagala noqdo guddoomiyaha  Xuquuqul Isaanka qareen Guuleed Dafac, ,wuxuu sidoo kale ku taliyey in gabi ahaanba la joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu isagoo wada hadalada ka hadlaya  uu yidhi  "Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya uma arko waxa midho dhal ah, waxaan u arkaa wax umadda Somaliland been loogu sheegayo, oo sidii ay runtu ahayd aan looga waramaynin, Somaliland-na mabda'eegii gooni isu taaga ka noqon mayso, Shirka 31-may ee la iclaamiyeyna waxba uguma jiraan, Somaliya waxay doonaysaa  is raacii danihii iyo sidii wax loo dhisan lahaa, inaguna waxaynu doonaynaa inaynu kala baxno, laba la isku keenayo maaha, soo dhawaanshana ma jiro, waxaana leeyahay wada hadalada  tani inooguma jirto ee ha la iskaga baxo.

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ku taliyey in wada hadalada lagu bedelo in Looyaro u dooda danaha Somaliland yidhi "Wada hadalkana ha la bedelo oo ha loo qabto Looyaro caalamiya danaheena, mana nihin gooni u goosato ee waxaynu nahay dal hore u jirnay, oo inaga oo Dawlad ah iyo Somaliya oo dawlad ah isku biiray, qaran hore u dhisnaana gooni u goosato laguma tilmaami karo,waxaanad mooda in dadka hogaanka ka haya wada hadalada inay si dadban wax u dhigayaan, oo si toos ah waxba u sheegaynin, Xukuumadda waxaan kula dardaarmaya oo aan leeyahay ha ka baxdo Shirkaas, oo wax alaale wax faa'iido ah oo ay ka keenaysa ma jirtee".

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey sidu u arko ruqsadii qareenimo ee ay xukuumadu doonayso inay kala noqoto guddoomiyaha xuquuqal insaanka Somaliland oo ah hoggaamiyaha dalada keliya ee u dooda xuquuqda bini-aadamka ee madaxabanaan qareen Guuleed Dafac, wuxuu xildhibaanku yidhi  "Cadaalad uma arko in ruqsada qareenimo lagala noqdo, Xuquuqul Isaanku waa wax jira, Caalamkuna haddii aanu ina ictiraafin inaynu Xuquuqul Isaanka aad u ilaalino waa wax waajib ah, Caalamkuna wuxuu inagu eegi karaa Dimuqraadiyada iyo Nabadgalyada sida aynu ka yeelano  iyo sida Xuquuqul Isaankeenu yahay, laakiin haddii aanad ayidin Xukuumadda arimaheeda ruqsadaan kaala noqonaya wax macquul ah maaha"

Xildhibaan Axmed Gacan mar uu ka hadlaayey Gobolada Barri ayaa yidhi "Qardho waxa ka jira shir, umadda Somaliland halkaas waa dad isku dhan oo is wata oo aan qalooyin lahayn, Qardho waxa laga wadaa shir Darood, qaar ka mid ahina waxay ku dhawaaqeen maamul gooniya, Xukuumadduna wey ka huradaa, halkaas colaad baa ka soo socota, ee aad ha loo feejignaado, oo aad ha loo ilaaliyo nabadgalyada, oo ha la isku dayo sidii loogu dadaali lahaa in dadka Somaliland aan la iskaga hor keeni lahayn, nabadooda aan khal-khal loo galin lahayn."