Xisbiga Waddani Oo Wasiirka Hawlaha Guud Ku Eedeeyay Khilaafka Burco

0
543

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa khilaafka golaha deegaanka Burco dusha ka saaray wasiirka hawlaha guud ee Somaliland Cali Maxamed Xasan.

dddd

Maxamed Cabdilaahi Uurcade xoghayaha guud ee xisbigaasi oo arimahaasi ka hadley ayaa yidhi “Waxaa maalmahan ka socdey magaalada Burco kilhaaf ka dhex jira golaha deganka magaaladaasi waxaana la arkaayey rag aan meelna ka soo gelin golaha deegaka oo wasiiro ah , Burco wali mey gaadhin isku duubnida  ay maanta ku jirto waxaana kala fur furaaya wasiiradaas oo hawl ka dhigtey in ay golaha deeganka iska hor geeyaan iyaga oo hawshii uu qaranku u   igmadey meel iska dhigay waxaana aanu leenahay ragaas wasiirada ahi hawshaas faraha ha ka qaadan oo ha u dayaan cida u xil saaran

Golaha deeganku waa gole la soo doortey meel ay wasaarada hawlaha guud ka soo gasho ma jirto golaha deganka waxaan leeyahay qarankani wu idiin doortey xeer baad leedahiin ee xeerkaas uun raaca ” ayuu yidhi

Maxamed Cabdilaah Uurcade waxaa uu dhanka kale ka hadlay halka uu maraayo wada hadalkii ay kula jireen siyaasiyiinta isbaheysiga kulmiye waxaaana uu xusay in wada hadaladasi ay meel fiican u marayaan waxaana uu yidhi

“Nimankas isbaheysigu niman  qiimo aad u weyn dalka ku leh bey ahayeen tacab badan u soo galay isla markaana ah labeentii xisbiga Kulmiye wada hadaladaasina wey u socdaan xisbiga Waddani meel fiicana wey marayaan waana aanu soo dhaweynaynaa dhawaana wey soo gabo gaboowi doonan ” ayuu yidhi .

Gabo Gabadii xoghayaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade waxaa  uu ka hadley mowqifka xisbiga Kulmiye ee heshiiska dekada Berbera.

“Xisbiga Waddani waxaa uu soo dhaweynayaa maal galin kasta oo lagu sameynaayo meel kasta oo Somaliland ka tirsan oo laakiin ah mid umada iyo dalka anfacaaya dekada Berbera maalgashiga la leeyahay hada waa lagu sameeyey anagu hadii aanu nahay xisbiga Waddani ma diidanin maal gashi dekada Berbera lagu sameynaayo  hadii aanay aheyn xaqul qalin balse ay tahay maalgashi rasmi ah.

waxaanu soo dhaweyn doona marka golaha wakiilada Somaliland la hor keeno ee golahaas umadu dooratey uu ansixiyo xilgaas baanu soo dhaweyn doona ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey xoghayha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade.