Lascanod: Machadka Faafinta Islaamka Oo Kulan Diimeed U Qabtay Ardayda Dugsiga Sare Ee Muuse Yuusuf

1
651

 

Picture2Lascanod(Geeska)-Machadka Faafinta Islaamka ee ka hawlgala Somaliland ayaa kulan-diimeed u qabtay ardayda Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Kulankaas oo ka dhacay barxada dhexe ee iskuulka ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii ardayda looga wacyi gelin lahaa  khadaraha ay leedahay tabriibta, fikirka is-qarxinta iyo dhaqamada ku xun diinteena suuban, waxaana ka qayb galay Wakiilka Machadka Faafinta islaamka ee Gobolka Sool Cabdirashiid Maxamed, Sheekh Siciid Axmed Cadar, Maamulka Iskuulka, ,macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga.

Ugu horayn waxaa kulankaas ka hadlay Wakiilka Machadka Faafinta islaamka ee Gobolka Sool Cabdirashiid Maxamed waxaanu faahfaahin ka bixiyay ujeeda kulankaas, waxaanu sheegay in ay xafiiska Gobolka Sool ee Machadka Faafinta Islaamku xooga saaro inuu  dhalinyrada reer Laascaanood ka wacyigeliyo wixii diintaanka ka soo horjeeda taas oo uu sheegay inay xooga saaraan sidii baraarujin dheerad ah iyo kulama diini ah u qabtaan qaybaaha kala duwan ee bulshada Gobolka Sool, sidoo kale waxa uu u mahad celiyay maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga sare ee Muuse Yuusuf.

Waxaa kaloo kulankaas muxaadiro diini ah ka jeediyay Sheekh Siciid Axmed Cadar, waxaanu sheegay in maamulka iskuulka looga baahan yahay sidii ardayda loogu samayn lahaa kulamo diini ah wiigii hal maalin ah taas oo uu sheegay inay wax weyn ka bedeli karto aqoonta ardaygu u leeyahay diinta islaamka taas oo yarayn karta wixii ku xun diinta, waxaa kaloo uu sheekhu kula dardaarmay in ardaydu u soo jeesato barasahada diinta, taas oo uu sheegay sheekh inay yarayn karto arimaha ay ka mid yihiin tabriibka, fikirka is-qarxinta oo uu sheegay in dadka ficilkaas ku kacaa yihiin dad da’ahaan yar-yar.

Ugu dambaynii Maamulka Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ayaa ayaa culimadii Machadka Faafinta Islaamka ka socotay ee ardayda muxaadira diiniga ah u jeediyay uga mahad celiyay baraarujinta ardayda ee dhinaca diinta islaamka, waxaanu ka codsaday inay bishiiba hal mar ay sidan oo kale ugu yimaadaan ardayda si ardaygu fahan dheeraad ah uga helo muxaadirooyinkaas qiimaha badan ee loo jeedinaayo ayuu yidhi Maamulaha iskuulku, waxaana gebo gabadii ardyada dugsiga sare su’aalo ku saabsan muxaadirada waydiiyeen culimadii halkaas muxaadirada uga jeedisay. 

 

Comments are closed.