Afhayeenka Xaqsoor Oo Ka Jawaabay Farriin Uu Xisbiga KULMIYE Hore Ugu Soo Diray

0
550

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka Ururka Xaqsoor Rashiid Aadan Dhari ayaa ka hadlay mustaqbalka Ururka Xaqsoor. Wax kale oo uu ka hadlayey hadal dhawaan ay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ku dalbadeen inay ku biiraan Xisbul-xaakimka, isagoo sheegay inay caqliga ka fogtahay inay wada hadalo la galaan xisbiga KULMIYE.

Waxa uu afhayeenkA oo u waramay HCTV, uu sheegay inaanay u qorshaysnayn inay ku biiraan xisbiga talada haya ee Kulmiye, oo dhawaan baaq u diray “Wax wada hadal ah oo jira ma jiro, Xaqsoorna Cid ay ku biiraysaa ma jirto, runtii wax warkaasi ka jira ma jiro, marka hadalka halkiisa loogu taggo, Maxmed Kaahin Axmed Mujaahidku baaq uu jeedeyey ayaan maqlay in kasta oo aanan wadda dhugan ujeedadiisa, laakiin waxaan leeyahay Xisbiga Kulmiye iyo dawladiisaba waxanu kala joogna cadceed ka soo bax iyo cadceed ka dhicis, waxna dhexe maraya iyo waxnoo socdana ma jiro.” ayuu yidhi Afheeynku.

Wax kale oo la weydiiyey in uu jiro wax Mudaharaad ah oo ururka Xaqsoor ka abaabulayo London waxanu yidhi. “Mudaharad ma ogi, mana jecli inaan ka hadlo waxanan ogeyn, laakiin waxaan leeyahay madaxweynaha hala soo dhaweeyo.” ayuu raaciyay hadalkiisa Afhayeenka oo u waramayay maanta Telefeshinka Horn Cable Tv.