Ban Ki Moon Oo Cambaareeyay Somaliya

0
569

 

Picture1Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in si weyn uu uga walaacsan yahay xukunka halka sano ah ee Salaasadii Maxakmada ku taal Muqdisho ay ku ridday haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo weriye gabadhaasi wareystay.

Xoghaya Guud ayaa ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijiso in dhammaan eedeymaha la xidhiidha xadgudubyada kufsiga si xooggan loo baadho, isla markaana caddaalada la horkeeno kuwa geysta dambiyadaas.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in gabadha dhinabanaha inay tahay la sheegay iyo weriyuhuba ay helaan nidaam garsoor oo cadaalad ah oo cad, oo ay ku jirto inay helaan racfaan.

Dowladda Mareykanka ayaa iyana qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay aad uga walaacsan yihiin go'aanka maxkamadda go'aanka maxkamadda Muqdisho ay ku xukuntay gabadha 27 jirka ah iyo weriyaha.

Waxaa hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka lagu sheegay in sidoo kale ay ka walaacsan yihiin wararka sheegaya in qaladaad ay ku jireen nidaamka la maray iyo in la diiday marqaatiyaashii dhinaca difaaca intii maxkamaddu socotay.