Lacagta Adduunka Oo Dhan Taalla, Haddii Dadka Dib Loogu Qaybiyo Imisa Ayaa Uu Qofku Heli Lahaa

38
3542

London (Geeska)- Qof kasta oo innaga mid ahi waa uu ogyahay in xaaladaha dhaqaale ee dalalka iyo xitaa qofafka adduunkan ku nooli aad u kala duwan yihiin. Kuwo figta ugu sarraysa ee maalqabeennimada taagan, tiro aan yarayn oo lagu xisaabiyo in ay lacag fiican haystaan, iyo tiro aad u badan oo ay dad dhulyaal ah.

Sida oo kale waxaa la ogyahay xaddiga lacageed ee qof kasta oo maalqabeen ahi leeyahay, ama raasamaalka ku jira shirkadaha waaweyn ee ganacsiga. Laakiin waxaa laga yaabaa in aynaan weligeen isba weydiin, wadarta lacagta guud ee adduunka oo dhan taalla.

Su’aashaas jawaabteeda waxaa inoo haysa Shabaadda wararka ee Alcarabiya, oo warbixin ay dhowaan baahisay ku sheegtay qodobbo aad u muhiim ah oo arrintaas la xidhiidha.

Warbixintu waxa ay sheegtay in lacagta adduunka dushiisa lagu isticmaalo nooc kasta iyo magac kasta oo ay sidato, marka la isku daro ay noqonayo lacag u dhiganta 60 Tirilyan oo doolarka Maraykanka ah. Wadarta guud ee dadka adduunyada ku nool marka la isku darana waxaa lagu qiyaasaa 8 Bilyan oo ruux. a guud marka la isku darana waxaa lagu qiyaasaa.

Waxaa laga yaabaa in maskaxdaada ay ku soo dhacdo, ‘Taloow, haddii lacagta adduunka taal oo dhan la isku daro, oo dadka dunida oo dhan si siman loogu qaybiyo side ay xaaladdu noqon lahayd?’ isla su’aashaas waxaa ka jawaabaya warbixinta Alcarabiya, oo qalinka u qaadatay in a yisu qaybiso dadka dunida ku nool iyo hantida dulsaaran waxa aana soo baxay, in qof kastaa uu heli lahaa 7’500 (Toddba kun iyo shan boqo) oo doolarka Maraykanka ah. Taas macnaheedu waa in aanay jiri lahaynba cid Bilyan dheer ah oo dunidan joogaa. Haddii uu qof dadka dunida ka mid ahi doono in uu Hal Milyan helana, waxaa qasab noqonaysa in uu lacagta ka urursado dadka kale, waxa aanu faqiir dhulyaal ah ka dhigi doonaa qiyaas 133 ruux ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here