Labada Rah Ka Weyn Cun: Talooyin Kaa Caawinaya In Aad Shaqada Kuu Taal Waqti Gaaban Ku Dhammaysato (2)

25
3566

 

Hargeysa (Geeska)- Qoraagaa iyo dhiirrigeliyaha horumarinta nafta ee Brian Tracy, Buuggiisa ‘Eat that Frog’ (Rahaas cun) oo ka mid ahaa buugaagtii waqtigiisii loogu iibsiga badnaa, waxa uu ku soo bandhigay habab aad u heersarreeya oo lagaga hortegi karo cagajiidka iyo culayska marar qofku dareemo ee shaqada dib dhiga. Geeska Afrika waxa uu soo turjumay talooyinka muhiimka ah ee uu Tracy ku qoray, oo uu mid kasta ku bilaabay erey kooban oo maskaxdu qabsan karto:

  1. Ku dhaqan qaaciidada la yidhaahdo 80/20

Cilmibaadhisaha lagu sameeyey isbarbardhigga waxsoosaarka shaqo ee bani’aadamka iyo sida uu waqtiga uga faa’iidaysto, ayaa xaqiijiyey in boqolkiiba siddeetan guulaha iyo waxqabadka shaqo ee aynu gaadhnaa ay innaga qaataan boqolkiiba labaatan keliya oo waqtigeenna iyo dadaalkeenna ama daalkeenna ka mid ah. Taas oo haddii si kale aynu u dhigno noqon karta in waqtigeenna boqolkiiba 20 keliya aynu ka faa’iidaysanno, dadaalka shaqo iyo fikir ee aynu gelinno hawlaha inoo yaallaana aanu ka badnayn boqolkiiba 20 keliya oo ka mid ah inta aynu awoodi karno.

Marka ay sidaas tahay laba talo ayaa muhiim ah; waa mid ee in aynu ku dadaalno sidii aynu kor ugu qaadi lahayn ka faa’iidaysiga waqtiga iyo dadaalka aynu hawlaheenna gelinayno; midka labaadna waa in, si ay boqolkiiba 20 ka keliya ee aynu waqtigeenna iyo dadaalkeenna ka isticmaalnaa aanu noqon mid aan isaguna waxtar badan yeelan. sida ugu habboon ee aynu taas uga hortegi karnaana waa in aynu nafta barno in aanay hawlo macnadarro ah waqtiga ku lumin, iyo in mar kasta ay ku dadaasho in shaqooyinku sida ay u kala muhiimsan yihiin una kala culus yihiin aynu u galno si aynu waqtigaas boqolkiiba 20 ka ah uga faa’iidayno. Ku dadaal in aad ku dhaqanto qaaciidadan oo loo yaqaanno 20/80.

  1. Ka feejignoow caqabadaha

Mar kasta fikirkaagu ha ahaato mid waqtiga fog hiigsanaya, shaqada aad qabanaysana ha eegin midhaheeda degdegga ah, sida mushaharka iwm. Laakiin eeg faa’iidada aad ka dheefayso waqtiga fog. In aad waqtiga fog iyo natiijada dambe ku xisaabtantaa waxa ay kaa indho-saabaysaa caqabadaha laga yaabo in ay ku horyaallaan oo haddii aad arki lahayd ay shaqadaada wax u dhimmi lahaayeen ama ugu yaraan dadaalkaaga niyadjebin lahaayeen.

  1. Weligaa ha illaawin abla-ablaynta hawlahaaga

Waa in aad mar kasta qorto isla markaana niyadda ku hayso shaqooyinka kuu yaallaa sida ay u kala muhiimsan yihiin. Maxaa kuu diidaya in shaqooyinka kuu yaalla aad marka hore garato kuwa ay yihiin, marka xigana u kala horreysiiso nidaamka ah, ‘B, T.J’ oo ah sida ay u kala mudan yihiin u kala horreysii. In aad shaqadaada sidaa u dhigtaa waa sida ugu habboon ee aad iskaga ilaalin karto in shaqooyinku iska kaa dhexgalaan, ama in aad shaqo aan muhiim ahayn waqtigaaga ku lumiso iyada oo shaqada kuu taallaa aad uga muhiimsan tahay ama uga culus tahay, waxa kale oo ay tani kaa ilaalinaysaa illowga iyo in aad hawlaha kuu yaalla qaarkood ka tagto.

  1. Natiijada muhiimka ah xoogga saar

Mar kasta waa in aad shaqadaada u eegto sida ay midhaha ka soo baxayaa muhiimka u yihiin. Xoogga saar saar hawlaha aad ogtahay in ay raad fiican ku yeelanayaan xaaladda aad ku jirto, sumcad ahaan, maaliyad ahaan, xirfad ahaan, bulsho ahaan iwm. In aad horreysiisato shaqooyinka noocan ahi waxa ay sababaysaa in aad muhiimad siiso shaqada iyo in aad dadaalkaaga ku aaddan xoojiso sidii aad sida ugu habboon ugu dhammaystiri lahayd, adiga oo niyadda ku haya in aad gaadho natiijada aad ka gaadhayso ee kuwa aynu soo xusnay ka mid yihiin.

  1. Raac xeerka lagu magacaabo ‘Waxtarka qasabka ah”

Waxaa jira xeer odhanaha, “Marnaba ma heli kartid waqti ku filan in aad hawlahaaga oo dhan qabato, laakiin waxa aad mar kasta heli kartaa waqti ku filan in aad qabato hadba hawsha ugu muhiimsan”

U fiirso, mararka qaarkood adiga oo u arka in aanad haynin waqti kugu filan, ayaa haddana marka aad ogaato in hawsha kuu taalla ee aanad dhammaystirin, waqtigana u la’ dahay ay tahay mid muhiim ah oo qabasho la’aanteedu khatar ku tahay ama saamayn taban ku leedahay noloshaada, waxa aad arkaysaa adiga oo helay, waqti aanad marka hore moodayn in aad hayso, oo shaqadii qabtay ka hor intii aanu waqtigeedu dhicin, haba noqoto in aad dhammayso daqiiqadda u dambaysa ee.

Mar haddaanu waqtigaagu kuu saamaxayn in aad hawlahaaga oo dhan dhammayso raac xeerkan oo hawlaha midho dhalka weyn ama saamaynta dhaqsaha ah kugu yeelanaya hore u qabo. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here