Labada Rah Ka Weyn Cun (4): Talooyin Kaa Caawinaya In Aad Shaqada Kuu Taal Waqti Gaaban Ku Dhammaysato

26
3219

 

Hargeysa (Geeska)- Qoraagaa iyo dhiirrigeliyaha horumarinta nafta ee Brian Tracy, Buuggiisa ‘Eat that Frog’ (Rahaas cun) oo ka mid ahaa buugaagtii waqtigiisii loogu iibsiga badnaa, waxa uu ku soo bandhigay habab aad u heersarreeya oo lagaga hortegi karo cagajiidka iyo culayska marar qofku dareemo ee shaqada dib dhiga. Geeska Afrika waxa uu soo turjumay talooyinka muhiimka ah ee uu Tracy ku qoray, oo uu mid kasta ku bilaabay erey kooban oo maskaxdu qabsan karto:

  1. Ku tababaro dib u dhigista waxtarka leh: Waxa ay culimada cilminafsigu sheegeen in inta badan uu qofku ka baqo bilowga hawlaha ku cusub; culayska shaqada oo u uu arko in aanu qaadi karin, ama aqoon lahayn, iyo sababo la mid ah ayaa ku keeni kara in uu ku dhici waayo bilowga hore ee shaqada, muddana uu ka warwareego gudo galkeeda. Sida ugu habboon ee uu kaga bixi karaa waa in uu naftiisa u sheego in ay hawshaas qaban karo, kuna kalsoonaado kartidiisa. Laakiin waxaa jira dib u dhigis shaqo oo isagu waxtar leh.

Inta aanad shaqada bilaabin qor liiska hawlaha kuu yaalla, kaddib ka fikir sida ay u kala muhiimsan yihiin, kuna dadaal in aad dib dhigato shaqooyinka aad ogtahay in aanay ku dhaafayn ama ugu yaraan in khasaaraha ka imanayaa ka yar yahay khasaaraha ka imanaya dib u dhigista hawlaha kale ee kuu yaalla. Marka ay hawl muhiim ahi ku taallo dib u dhigo daawashada barnaamijyada iyo filimada aad xiisaynayso, sida oo kale dib u dhig ama iska jooji ballamaha haasaawaha asxaabta iyo nasashada ah ama aan lahayn faa’iido la mid ah faa’iidada ay leeyihiin hawlaha kale ee kuu yaallaa.

Intii awooddaada ah ku dadaal in aad iska caabbido qabashada iyo waqti ku luminta hawlaha aan lahayn muhiimadda ay leedahay shaqada kuu taallaa.

  1. Hawlaha adag ku horree: Maalin kasta marka aad toosto waxa aad dejisataa ama habeennimadii sii dejisataa liiska hawlaha kuu yaalla oo dhan, kaddib u kala hormee sida ay u kala culus yihiin. Shaqadaada ku bilow hawlaha culayska ama adayga lagu tirinayo. Qodobkani waa ka uu u taagan yahay magaca buugga aynu qormadan ka soo qaadannay ee ahaa, ‘Cun rahaas’ gaar ahaan ha ku dhegga ahaa ‘cun rahaas weyn’.
  2. Abla-ablee hawlaha kuu yaalla: Si ay kuugu fududaato in hawlaha u kala fuliso sida ay u kala muhiimsan yihiin, waxa aad u baahan tahay in aad hawsha lafteeda qaybo yaryar u qaybiso ama goballo ka dhigto, si fulinteedu u fududaato. Hawsha aad jajebisaa waxa ay kaa qarinaysaa baaxadda hawsha kuu taalla oo laga yaabo haddii aad mar wada eegto in ay niyad jab kugu riddo.
  3. Waqtigaaga seero ku kala xidh: Siyaabaha ugu fiican ee waqtiga qiimihiisa aad ku dareemi karto, isla markaana ku garan karto horusocodka hawsha aad waddaa samaynayso iyo in aad waqtiga sidii saxda ahayd uga faa’iidaysanaysaa waa in aad waqtigaaga u kala xidho qaybo, aad mid kasta ku xisaabtanot waxsoosaarkiisa; sida toddobaad, bil ama sannad, adiga oo mid kasta hawl u gaar ah ku sargoynaya.

Tusaale ahaan hal  toddobaad waxa aad gaar uga dhigtaa hawl ah in aad subaxdii oroddo, (Jimicsi), ama bil waxa aad u xidhaa waqti go’an in aad internet baadho si aad uga hesho xogta aad u baahan tahay, ama hal sano waxa aad nafta saartaa in ay ka jibbo keento barashada af (Luuqad). In aad waqtigaaga sidaas u kala xidhaa, waxa ay aad u dhiirrigelinaysaa in naftu ku xisaabtano waqtiga oo ay ku dadaasho in hawsha u taalla ay dhammayso inta aanu dhammaan waqtiga aad u goysay.

  1. Samayso dareenka xaaladaha gaarka ah: Waqtigaaga oo dhan ha ku buuxin, gudashada waajibaadka shaqo ee kuu yaalla. In waqtigii aad shaqada u qoondaysay ay hawl kale oo daruuri ahi kaa soo dhexgashaa waxa ay sababi kartaa in xagaldaac ku yimaaddo habsami u socoshada qorshihii aad wadatay. Si aanay taas kuugu dhicin, waxa aad mar kasta qoondaysaa waqti firaaqo ah oo aad ugu talagasho gudashada waajibaadka degdegga ah ee soo baxa.
  2. Shaqada aad gacanta ku hayso xoogga saar: Iska jir in aad maskaxda u dirto halwo is burinaya oo tiro badan. Marka aad shaqo bilowdo, ku dadaal in aad dib u dhigato hawlaha kale ee aanay ahayn waajib degdeg ah ama shaqo si caadi ah loogu dhex qaban karo shaqada aad gacanta ku hayso. Ku dadaal in aad barato kuna tababarato xirfadaha iyo cilmiga kaa caawinaya hal-abuurka iyo wanaajinta shaqada aad qabanayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here