Labada Gole Oo Aqlabiyad Ku Ansixiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka

0
793

 

Hargaysa (Geeska) Mudasnayaasha baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiilada] ee Somaliland ayaa shalay cod aqalbiyada ku ansixiyay gudoomiyaha maxkamda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo uu madaxwayne Axmed Siilaanyo soo magacaabay dhawaan.

Kulankan ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka waxa ka soo xaadiray 109 xildhibaan, waxaana shir gudoominayay gudoomiayah golaha wakiilada ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).

Guddoomiyaha ayaa golaha ka codsaday  in cod loo qaado gudoomiyaha maxkamda sare waxaana cod aqlabiyada ku ogalaaday 107 xilidhibaan, waxa diiday hal xildhibaan, cid ka aamustay may jiran gudoomiyahuna muu codayn. Sidaas ayaynu ku ansaxay gudoomiyaha maxakamda sare ee Somalilanad kaas oo muddooyinkii u danbeeyay ansixintiisa la hadal hayay.