Qisada Ka Dhalatay Kulan Shaah Ah Oo Dhex Maray Cali Qoryooley Iyo Rayaale

0
1237

 

qoryaalWaxaan ka mid ahaa muwaadiniintii ay qasriga madaxtooyada ee looga taliyo dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ay galistiisu aad ugu yareyd,ee ay ugu dambeysay 1996tii, Maalintii iigu xigtay waagaas ee aan galay qasriga Madaxtooyaduna waxay ahayd 17kii Janaweri 2011kii,qofkasta oo aan kula kulmay goobtaasna waxaan u sheegayay oo aan ku lahaa, halkan waxa iigu dambaysay sanadkii 1996kii, Asbaabuna waxay ahayd aniga oo aan axsaabtii siyaasadeed Somaliland ka jirtay aan midna ku taageeri jirin mucaarad iyo muxaafidba,islamarkaana aan xil la ii dhiibo  iyo xool midna aan ka hungureyn madaxweyne Somaliland xukuma,galisteydii madaxtooyadana madaxweyne Siilaanyo maanaan kumin,maalintaas nin Somaliland madaxweyne  u ah oo aan la kulmana waxa iigu dambeeyay marxuum M.X I Cigaal.

 

Gaar ahaan xilliyadii madaxweyne Cigaal Eebbe ha u naxariistee uu hub dhigista ciidamadii beelaha waday,ee aanu annaga oo ururkii HAVOYOCO ah aanu kala shaqeyn jiray, Madxweyne C/raxmaan Axmed Cali isagana waxaan laba goor la kulmay 1992dii xilligii aanu ergadii heshiisiintii colaadii Berbera wadnay kooxdayadii aqoonyahanada ahayd,Xassan Ciise Jaamac isaga muddoooyin aad u badan ayaan kulamo shaqo ku yeelanay gurigiisa ama goobihii ay ku shiri jireen ururkii dib u habaynta SNM ee uu hogaamin jiray sanadihii 1998-2000kiii,

Si kastaba ha ahaatee maalintii dhoweyd ee aan Madaxweynihii hore ee Somaliland kula kulanay Hoteel Maansoor,waxa iila muuqatay in ka sheekeyta kulankii iyo kaftankii na dhexmaray mudane Daahir Riyaale Kaahin,oo shicib ah sidayda ay muhiim tahay,maxaayeelay dhacdadaas oo Hotel Maansoor  ahayd iyo sidii maamuuska lahayd ee ay shacabka Somaliland u salaamayeen madaxweynohoodii hore, aanay isaga  iyo dadkii tirada yaraa ee goobahaas kula kulmay oo qudha sharaf u ahayn,balse ay  ahayd mid qaranimada  iyo dowladnimada Somaliland oo dhan sharaf weyn u leh, xusideeduna ay mustaqbalka bulshada Somaliland iyo nidaamkeeda dowladeedba ay taariikh iyo dhaqan siyaasadeed wanaagsan, oo inay caado u tahay reer Somaliland aqbalaada inuu xilka qaran meerta yahay  ay u fahmaan una noqon doonto.

Sheekadaas waxaan inyar ka horeysiinayaa,inay dalkan gudihiisa joogaan 3  madaxweyne ku xigeeno hore ahaan jiray,waa Xasan  Ciise Jaamac oo madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay S/land ahaa, C/raxmaan Aw cali Faarax iyo Axmed Yuusuf yaasiin oo madaxweyne xigeenadii labaad iyo saddxeaad ee qarankan noqday,

Tusaale ahaan  kadib kulankaas Daahir Riyaale ee 4tii Juulay,laba maalmood kadib ayaan kula kulmay Hoteelka Safari la yidhaahdo,madaxweyne ku xigeenkii hore oo noqonayo ninkii jagadaas soo mara ee ugu awoodda badnaan jiray Soamliland,waa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax,ninkaas oo inta aan salaamay,aniga oo qoslaya aan la kaftamay, aniga oo ku idhi,Caabdiraxmaanoow,waxa aad noqotay Madaxweynihii hore ee 2aad ee  dalkan kasoo talin jiray,ee aan todobaadkan, iyaga oo si xor ah bulshadoodii u dhex mushaaxaya,  badhtamaha Hargaysa kula kulmay ee aanu isku salaanay,kadibna int a uu qoslay ayuu waxa uu yidhi,oo waa kumo ninka kale ee aad la kulantay?.waxaan ku idhi,soow maalin dhoweyd Daahir Riyaale kumaanaan kulmin Hotel Maansoor?,oo weliba sharaab maanaan wada cabin?.inta uu qoslay ayuu yidhi,horta Daahir waa nin aad u nasiib badan,maxaayeelay,,waa dhif madaxweyne dal Afrikaana 8 sanadood soo xukumayay oo nasiib u yeeshay,inuu sidiisaas sharaf iyo xushmad bulshadiisii ugu dhex noolaado.laakiin arrintaasi waa dhaqan wanaagsan oo ay dadka reer Somaliland caado u leeyihiin,oo rag kale oo madaxweynayaal ama ku xigeen madaxweyne  dalkan ka ahaan jiray  sida C/raxmaan Axmed Cali iyo Xassan Ciise Jaamac ay suuqyada innala joogi jireen ama ay imikaba joogaan miyaad iloowsan tahay ayuu igu yidhi.? maya ayaan ku idhi,,

Sawirkan hoosewaxa weeye madaxweynayaashii iyo ku xigeenadii Somaliland soo maray, magacyadoodana  Safka hore ka bilow midigta waa madaxweyne   Cabdirahman Axmed  Cali 1991-1993th, madaxweyne  Mohamed Xaaji  Ibrahim  Cigaal 1993-2002th. madaxweyne Dahir Riyale Kahin 

Sawirada hooseka bilow dhanka midigta waa  madaxwreyne ku xigeen Xassan Ciise Jaamac,Madaxweyne xigeen XC/raxmaan Awcali iyo Mdaxweyne Xigeen Axmed Y  Yaasiin,

Waa iska xusuus taariikheede, mudadii dheereyd ee uu Daahir Riyaale Kaahin talada Somaliland hayay,marna lama aanan kulmin,aniga oo shaqsiyan iyo siyaasiyantoona  neceyb u haynin,hadana waxa mudadaas dhacday inuu maamulkiisii laba goor jeelka ii taxaabay,iyada oo weliba xilligii hore,la igu xidhay abaabulka mudaharaad salmi ahaa oo aan maamulkiisii kaga cabanaynay,waxay ahayd 11kii May 2004tii,aniga oo mudaharaadkaas ogeysiiyay  taliska guud ee ciidanka booliska ,balse isla subixii aan ogaysiiyayba soo dhaqaajiay dadkii mudaharaadayaasha ahaa ayaa la igu qabtay garoonka Timacadde hortiisa, Inkasta oo markii ay maxkamaddii degmadu kiiskaygii dhegeysatay, aniga oo dammiin banaanka ku joogay bishii Disember ee 2004tiina ay soo saartay in Cali Qoryoley aanu wax dembi ah lahayn,sidaasna waxa xukumay garsoorihii ugu caddaalad fiicnaa xilligaas oo ahaa C/rashiid Durraan,

markii  labaadna waxay ahayd 4tii Feberweri 2007dii,maalintaas oo aan kaadhadh yar yar oo FREE HAATUF ku qoran tahay,aan dhalinyaradii magaalada shaadhkooda ugu xidhayay,arrintaas ay xukumadiisii Riyaale igu qooonsatay,si adagna ay ciidamadii boliisku ii qabteen,

Arrimahaas oo dhan waxay ka mid ahaayeen,qardoofooyinkii iyo isla seegii dhex maraysay muwaadiniintii shicibka ahaa iyo madaxdii qaranimada Somaliland dhismeheeda isku maandhaafsanaa,midkastana uu wax wanaaji is lahaa  waana cafis iyo musaamax arrimahaas yaryar ee naftayda soo gaadhay iyo  jiidjiidkii boliisku ii geysteen maalmahaas.  

Hadal iyo dhammaantii aniga iyo madaxweynihii hore ee Somaliland,waxa aanu ku kulanay Hotel Maansoor,waa goor barqo dheer ah,waxa aanu indhaha qac ku siinaya,Daahir Riyaale kaahin oo xidhan Safari Suudh hurdi ah,isaga oo iska daanshadaanshoonayo,oo meel agtayada ah marayo,ayuunbaanu aragnay aniga iyo Jaamac Iswidhan iyo Muxumed aw Cabdi oo seminaar kasoo baxay,kadibna ,miyaanu Daahir Riyaale ahayn ninkaasi ayanau isweydiinay?,waar inna wadsha aanu madaxweynaha soo salaanee,ayaanu isku raacnay,kadibna isaga oo aan weli kursigii uu doonayay inuu ku fadhiisto salka saarin balse dadkii badnaa ee kusoo xoomaya salaantoodii u taagan,oo midmid gacanta iyo laabta u saaraya,ayaan soo gaadhnay,markii aan sida diiran u salaamay,ayaan arkaya in uu magacaygii ku mergaday,markaasnaan ku idhi,miyaad xasuusan kartaa,ninkan ku salaamaya?,isu key sheeg,iyo ma Cali Qoryooleybaa,soo adiga nin dhalinyara ah noqday?,intaas ayuu isu key raaciyay,waanu fadhiisanay,waxa la socday dhowr nin oo wasiiradiisii hore ahaa,sida Ina xaaji Daahir iyo Cabdi Haybe iyo dhowr nin oo kale.

Markii aanu xoogaa fadhinay,ayuu Jaamac Iswiidhan weydiiyay Goormaad Boorame kasoo laabatay?.markaasuu ku yidhi,dee horta ninkii ay hooyadii nooshahay xilka saarani waxa weeye,inuu goorkasta soo salaamo,oo uu habeen ama laba haddii uu karo lasoo seexdo aqalkeeda,aniguna hooyaday iyo dadkii gobolkaas ayaan soo booqanayay todobaadkii aan maqnaa .saakadan ayaanan kasoo laabtay,.

Waa la iska kaftamayay,Daahir Riyaalana,waa qof caaadiya oo aan islweynaan lagu diiqadoodo lahayn, qaloocna aanad kala kulmaynin,waa nin ereyo kaftana oo aad ku qoslaysid kugu tuurtuuri kara,isaga oo ila kaftamayay ayaan ku idhi,horta anigu haddii aan ku imanin intii aad xukunka haysay Jaamac Iswiidah uunbaa ina kala horjoogay,Jaamac ayay qosol naftu ka baxday,dabadeedna Daahir oo qoslaya ayaa yidhi,horta anigu waagii aan madaxweyne ku xigeenka ahaa ,ayaan kelmad odhan jiray,taasoo ahayd,ninka madaxweynaha ahi waa (respected prisoner),waa maxbuus ixtiraam haysta, maxaayeelay,sida maxaaiista ay askartu u ilaaliso ayay u ilaaliyaan madaxweynaha,laakiin waxay ku kala  duwan yihiin,madaxweynuhu isaga ayaa askarta ilaalinaysa amra,halka maxbuuska ay askarta ilaalinaysa  amarto,intaas uunbay ku kala duwan yihiin,waayo ayuu yidhi,sidii uu yidhi, nin madax hore ahaa oo aan u malaynayo inuu Ra,iisal wasaarihii Ingiriiska ee Cherchil la odhan jiray ahaa,waxa uu yidhi,marka aad madaxda tahay waxa jira  dad badan oo aad doonaysid oo wax badan kula qaban lahaa,oo aanad fursad u heleynin inaad la kulantid,halka aad inta badan kulamo badan la yeelanaysid,oo ay ku wareerinayaan, dad badan oo kale oo ku doonaya,laakiin adigu aanad doonaynin,waxna aan kula qaban Karin,markaas sunnaha madaxnimada ayaaba noocaas ah,oo illeen maxbuus sharfan uunbaad tahaaye,lama kulmi kartid cidkasta oo aad doonaysid,mar kale ayaan weydiiyay,horta anigu axsaabta iyo doorashooyinkoodaba maan jeclaan jirin,ilaa inta la dhamaystirayo xeerarkii dowliga ahaa ee qabyada ahaa,dadka qaar ayaana igu odhan jiray,Caliyoow adigu ma madaxweyne haddii doorasho la qabto dhacaya ayaad tahay?..

Kadibna Daahir ayaa hadalkii kusoo noqday oo yidhi,dad badan ayaa doorashooyinka waagaas  baqdin ka qabay,laakiin anigu maalintii ugu horeysay ee aan xilkii hogaaminta Somaliland la wareegay, Geeridii marxuum Cigaal kadib,waxaan hadalkaygii ugu horeeyay ku daray,walaalayaal Cigaal maanta Eebbe ha u naxariistee  wuu innaga hooseeyaa ,waxa aan ugu hilin karraa isaga inaga oo wixii uu ka tagay, halkii kasii wadno,sida  maamulkii dowladnimo ee Somaliland, hirgelintii himiladiisii doorashooyinka iyo tartanka axsaabta badan, iyo waxkasta oo wanaagsanaa oo uu wadayba.waanan ka dhabeeyay,oo Ilaahay wuu nagu guuleeyay ayuu yidhi,isaga oo sii wata hadalkiisii ayuu yidhi,waxay iigu darrayd qoladii wakiilada doorashadoodi markii lasoo qaadhay,kuwaasoo inta uu farta ku fiiqay, xildhibaan Cali-barre,oo imikana dib gilihii ugusoo noqday,raggii uu ka mid ahaa,waatii aan xeerkii ay baarlamaanku aqlabiyadda ku ansixiyeen,aan maxkamadda sare geeyay,ee sidii lagu galay doorashadii wakiilada ayuu yidhi,,nin meesha fadhiyay ayaa yidhi,waxaad halhays u lahaan jirtay .maanta doorashadan taagan oo la qabto ayay Somaliland ku ibsamayasaa.waa runtaa ayuu yidhi,

Daahir Riyaale aad ayuu noogu sheekeeynayay maalintaas,maalintaas oo 4tii Juulay 2011kii barqanimadii ahayd,isaga oo aanan waxyar oo dareen islaweynaan ah aanu ka muuqanin ,islamarkaana  dareen faraxsan oo dadka la qoslaya uu aad uga muuqday, marbaan weydiiyay ,taariikhdaadii mudadii aad xilka haysay,yaad u xil saartay inuu qoro?,kadibna waxa uu si kooban  u yidhi,aniga ayaa ku feegari doono,maxaa yeelay dee weli nin dhalinyaro ah ayaan ahay oo shaqo ayaan ka dhiganayaa,waana la wada qoslay,mar uun inyar xisbigiisii su,aal uu Jaamac Iswiidhan ka weydiiyay ka jawaabayay ,ayuu yidhi,imika waxkasta waxaanu ka horeysiinaynaa dhismihii xisbigayaga,si uu kaadirkiisii hoggamain lahaa ugasoo dhex boxo.