Hello; Madaxweyne: Geeska Afrika Staff Writer

0
1044

Picture5Hargeysa(Geeska)-Khamiistii waxa magaalada Hargeysa ka dhacay dibad bax ay dhigeen laba iskaashato oo kala ah iskaashatada Booyadaha biyaha u dhaamiya caasimadda iyo tagsiilayaasha ka shaqaysta madaarka Hargeysa.

Labada dibad-bax oo uu noocoodu yahay mid wadanka ku cusub, waxa laga dareemay magaalada Hargeysa. Booyadaha biyaha dhaamiyaa waxay ka cabanayaan cashuur xad-dhaaf ah oo aanay qaadi Karin oo uu ku jideeyay xeerka horumarinta waddooyinka oo ay dhawaan xukuumadu awood ku jiidhsiisay golaha wakiilada. Waxaanu dibad-baxoodu saamayn ku yeeshay nolosha dadka degen caasimadda Hargeysa oo intooda badani biyaha ka hela booyadahaas. Waxa kale oo ay saamayn ku yeelatay shirkadaha dhismaha iyo dadka ka shaqaysta, maadaama oo ay booyaduhu biyaha u keenaan. Sidoo kale dhinacyo kale ayay saamayn toos ah ku yeelatay dibad-baxaas ay booyadaha biyuhu sameeyeen.

Sidaas si la mid ah tagsiilayaasha ka xoogsada madaarka Hargeysa ee Cigaal Airport, ayaa iyaguna dhinacooda sameeyay dibad-bax ay kaga cabanayaan shirkad gaar ah oo ay sheegeen in wasaaradda duulistu kooto ugu xidhay rakaabka madaarka. Tagsiilayaashu waxay ku doodayaan in lagu soo duulay quutal daruurigoodii, waxaanay aaminsanyihiin in laga sifaynayo madaarka oo ay 20 sannadood ka xoogsanayeen.

Labadan mudaharaad ee isku maalinta ka dhacay caasimadda Hargeysa, waxa ay ku soo beegmayaan iyadoo Isniintiina uu mudaharaaad khasaare nafeed iyo mid dhaqaale keenay uu ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer. Sidoo kale mudaharaad kooban ayaa isna ka dhacay isla Isniintas magaalada Berbera ee gobalka Saaxil oo isna lagaga soo horjeeday xaruntii kalluunka oo la sheegay in laga iibiyay shirkad gaar ah.

Mudane Madaxweyne, marka ay sidaas tahay bal ka waran haddii ay dibad-baxyadani dhici lahaayeen Daahir Rayaale oo madaxweyne ah iyo adiga oo xisbigaagii mucaaradka ahaa hoggaaminaya. Saw maad tidhaahdeen oo kumaad hadasheen luuqadihii adkaa ee aad Daahir Rayaale ku canaanan jirtay, marka ay ugu yartahayna waxaad sheegi lahayd in wadanku meel xun marayo oo uu lugaha la sii galayo xaalad adag. Bal  qiyaas maanta?

Haddaba, Madaxweynoow, waa inaad ogaataa inay khamiistii laba mudaraad ka dhaceen caasimadda oo keliya, kuwaas oo lagaga soo horjeedo go’aamo ay wasiiradaadu hirgeliyeen. Sidoo kale Isniintiina ay mudaharaadyo ka kala dhaceen Burco iyo Berbera, kuwaas oo iyagana lagaga soo horjeeday go’aamo ay gaadheen masuuliyiinta aad qaranka xilalka ugu dhiibtay.

Mar kale, Madaxweyne, waxa lagaaga baahanyahay inaad qaado talaabooyin geesinimo iyo hoggaamineed oo aad kaga hawlgasho arrimahan iyo kuwii hore dalka uga dhacayba. Madaxweyne caasimadda oo ay isku maalin dibad-baxyo ka dhacaan maaha wax si caadi ah iskaga yimid, waase natiijada hoggaamintaada.