Dawladda Ingiriiska Iyo Qaramada Midoobay Oo Xukuumada Somaliland U Soo Diray Baaq La Xidhiidh Dilkii Saxafiga Ee Lascanod

0
735

 

keynaNayrobi (Geeska)- Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Dr. Augustine Mahiga iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Somaliland Mr. Matt Baugh, ayaa dhaleeceeyey dilkii Laascaanood loogu geystay weriyahii Universal TV, Axmed Saakin Faarax Ilyaas.

 

 Dr,  Mahiga oo ka hadlaya dilkaa ayaa u soo jeediyey xukuumadaha Somaliland inay dardar geliso soo qabashada dadkii dilkaa ka danbeeyey, “Waan dhaleecaynayaa dilkaa waxashnimada ah. Isku deyga aamusiinta saxaafadu waxay saamayn xun ku yeelan doontaa bahda saxaafadda. Denbiyadaasi waa inay joogsadaan, xukuumada Somaliland waa inay si weyn u baadhaa dilkaa” ayuu Mahiga yidhi, waxaanu taaciyay tacsi uu u diray saxafiga Lascanod lagu dilay, isagoo sii raaciyay “Waxaan u soo jeedinayaa xukuumada inay dardar geliso  baadhitaankooda iyo keenitaanka sharciga hortiisa kuwii ka danbeeyey. UNPOS waxay diyaar u tahay inay gargaar ka geysato arrinkaa.”

Dhinaca kale, safiirka Ingiriiska ee Soomaliya iyo Somaliland, Matt Baugh ayaa dhaleeceeyey dilkii loo geystay weriye Axmed saakin Faarax Ilyaas, oo Universal TV u joogay Laascaanood.

Safiir, Baugh oo ka hadlayey arrinkaa ayaa yidhi, “Waan dhaleecaynayaa dilkaa macno-la’aanta ah ee weriye kale ku dhintay. Waxaan halkan uga gudbinayaa tacsi anigoo ka wakiil ah xukuumada Ingiriiska qoyskii Axmed wakhtigan ay murugada ku jiraan.”

Wuxuu diblomaasigani intaas ku daray, “Waxaan u soo jeedinayaa xukuumada inay sharciga degdeg u horkeenaan kuwii ka danbeeyey dilkaa, oo sidoo kale u muuqda weerar lagu soo qaaday saxaafada madax banana.”

Wasiirka warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur, oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa cambaaraynta dilkaas ka dib wuxuu sheegay inay hay’adaha ammaanku baadhis ku hayaan dhacdada dilkaas, “Ha’yadaha amniga u xil-saaranina waxay ku hawlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Dambbiileyaashii dilkaasi geystay” ayuu yidhi wasiirku.

Xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed-Rashid Muxumed Faarax, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa si kulul u cambaareeyay dilkaas saxafiga, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay sharciga horkeento cidda dilkaas fulisay.