Laba Sababood Oo Keena Boqolkiiba 75 Xaaladaha Caafimaad Darro ee Maqaarka Ku Dhaca

19
3303

Hargeysa (Geeska)- Majaladda ‘Style’ oo ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa sheegtay in boqolkiiba 75 dhibaatooyinka la xidhiidha isku-buuqa, qulubka, warwarka, murugada iyo sakatiga ee aadamuhu ka cawdaa ay sababtoodu tahay Khalkhal ku dhaca hormoonnada. Majaladda oo baahisa arrimaha caafimaadka iyo quruxda ayaa sheegtay in cilmibaadis cusub lagu ogaaday in warwarka iyo cabsida nafsiga ah ee qofka gashaa ay sababto in jidhku uu soo daayo xaddi inta dabiiciga ah ka badan oo hormoonka Cortisol ah, iyo in ay kordhiso dheecaannada dufanaysan iyo maaddooyinka dhiirrigeliya nabarowga, ugu dambayntana ay keento, fururuc, boogo casaan ah iyo cuncun.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in labadan sababood ay yihiin kuwa keena inta badan ee xaaladaha caafimaad darro ee maqaarka ku dhaca. In kasta oo ay sida oo kale jiraan sababo ay ka mid yihiin hidde, xanuunno maqaarka ku dhaca, iyo caafimaad darro ka dhalata deegaanka.

Xeeldheereyaasha cilmibaadhista sameeyey waxa ay ku taliyeen in sakatiga iyo qulubka lagaga adkaan karo jimicsiga jidhka iyo neefsiga labadaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here