Laba Qarax Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
997

qaraxMuqdisho(Geeska/W.Wararka)-Laba qarax oo xidhiidhsan oo loo adeegsaday baabuur ayaa xalay cawayskii lala eegtay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Qaraxyadan ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhimashada ayaa lagu sheegay ilaa shan ruux oo ay ku jiraan ilaaladii hoteelku, halka dhaawacu gaadhayo dhawr iyo toban ruux. Ciidamada hoteelka ayaa markii uu baabuurka koowaad qarxay waxa ay fureen rasaas, balse waxa islamarkiiba qabsaday qarax labaad oo isna loo adeegsaday baabuur.

Hoteelka oo ku dhow madaarka Muqdisho, waxa uu hoy u yahay siyaasiyiin isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Somaliya, laakiin lama sheegin cid ka mid ah oo wax ku noqotay qaraxyadaas.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid dhaako-dhaako ah, waxaana inta badan ka dhaca weeraro iyo qaraxyo lala beegsado dawladda iyo ciidamada AMISOM ee ilaaliya.