Jaamac Riyo Oo Madaxweyne Silanyo Ku Kiciyay Guluf Suugaaneed Ka Adag Heestiisii Daahir Rayaale Galaafatay

0
721

Picture7Hargeysa(Geeska)-Abwaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo ka mid ah golaha guurtida islamarkaana ah abwaankii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku tukhaantukhiyay heestii caanka ahayd ee ‘Ka dhaadhac, Dilaal noo dhuuntayoow,”, ayaa wakhtigana Madaxweyne Siilaanyo u tiriyay hees ka culus taas hore.

Abwaan Jaamac-Riyo, wuxuu heestan cusub ugu magac daray, “Soo Daata.” Waana hees si toos ah u gu socota Madaxweyne Siilaanyo. Abwaanku wuxuu  Wargeyska Geeska Afrika soo gaadhsiiyay nuqulka qoraalka heestaas oo u muuqata in miisaankeedu la mid yahay heestaas hore ee Daahir Rayaale Kaahin galaafatay, waxa lagu hawlanyahay abaabulka sidii cod iyo miyuusig loogu ladhi lahaa. Midhaha heestu waxay yihiin sidan:

Siyaasadii dibadiyo

Dalkiyo tii tiil gudaha

Dariiqeedii ka baydhay

Dagtoo wax isdaba maryaysay

Dil iyo dhagar noo horseeday

Tashiga duul kula wadaagay

 ***      ****         ****

Soo doog baan lahaaye

Ka sii dar haddii ay ahaatay

Dan guud iyo boobisteeda

Duul ooman waraabintooda

Adoo duma-baa roone

Dilaalka badheedhayoow

 ****      ***

Dushiinay ceebi taale soo daata

Kuwii idinkaa ka darane soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka daata

 

 Xilkaanu kuu dooraniyo

Dantii Somaliland

Dayaysay daryeeli wayday

Qabyaaladii daaha qaaday

Doc iyo reer-reer istaagtay

Shir beeleed dib ugu guurnay

 

Danqaabadii aad abuurtay

Dix iyo ceel lama wadaago

Sidaad duulaan tihiin

Dalkiyo beeshaba qabsaday

Degmadu tiinii ahayn

Hadhuubkiyo doobigii

Markaw darandoorideen

Dushiinay ceebi timide Soo daata

Kuwii idinkaa ka daran soo data

Diir iyo ayax oomanoow ka data

Dir iyo daabaan gabaay ka daado.