“Madaxweyne Ahaan Iyo Xukuumad Waxaan Ballanqaadayaa Fulinta Waxtarka Iyo Wax-U-Qabashada Booliiska Somaliland”

0
3952

 

odayHargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad-guurada 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska oo la aasaasay 03/11/2012.

 

Xafladii dabaal degga sanad-guuradda 19-aad ee ciidanka Booliska waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, masuuliyiin ka socday ha’yadaha wada shaqaynta la leh ciidanka Booliska iyo marti-sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlay sanad-guuradii 19-aad ee Booliska Somaliland, waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne, Iyadoo aynu maanta xusayno sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska tan iyo markii aynu la soo noqonay madax-banaanideena. Waxa ciidanka Boolisku soo maray marxalado kala duwan. Waxaan odhan karnaa maanta waxa uu marayaa meel aad u fiican.” “Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu hadh iyo habeen heegan ugu jiraa gudashadda waajibaadkiisa qaran ee uu bulshadiisa ugu adeegayo si ay ugu naalooto nabad, deganaansho iyo xasilooni ku salaysan shuruucda iyo cadaalladda. Waxa Boolisku hadda ka hawl-galaa 75 saldhig iyo 91 rugood oo ku kala yaala dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku.

Gen Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu tilmaamay in sanadkan ay siminaaro kala duwan soo qaateen, waxaanu xusay in 57 sarkaal ay soo qaateen iyo 1206 askari, kuwaasi oo iskugu jiray RRU-da, SPU iyo STU.

Taliyuhu waxa uu sheegay inay dayactir ku sameeyeen dhismaha Hoggaanka Birmadka ciidanka Booliska, taasi oo ay maal-gelisay UK isla markaana ay qalabeysay. Waxa kale oo la dhisay saldhiyo dhawr ah oo ku kala yaala caasimadda iyo goboladda dalkaba.

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu hayay in mudadii uu xilka hayay ay soo kordhiyeen 17 Baabuur, kaasi oo 13 ka mid ah ay dawlada UK ugu deeqday Booliska.

Gen. Fadal waxa uu tilmaamay in sanadkan markii u horeysay ciidanka Booliska ay UNDP ay keentay dirays isku mid ah oo dhan afar kun oo beer.

Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi waxa uu ciidammadda Booliska ku bogaadiyay waxqabadkooda ay ku sugeen ammaanka iyo nabad-gelyada dalka, waxaanu yidhi “Waxaan halkan Hambalyo aad iyo aad u balaadhan uga soo jeedinayaa 19 guuradii Ciidanka Booliska Somaliland hawsha baaxada balaadhan ee xilkasnimaddu ku jirto ee ay qaranka u qabtaan. Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa Ciidanka Booliska madaxdiisa iyo ciidamadaba heer walba waxyaabaha faraha badan ee ay dalka u qabtaan. Waxaanu ku hambalyaynaynaa inta aanu mashaariic saaka soo marnay ee waxqabad ah ee horumar la taaban karo ah ee ay gaadheen.”

“Waxaan ku hambalyaynaynaa waxqabadkii faraha badnaa ee ay halkan ka soo jeediyeen ee ay kaga warameen waxqabadka nabadgelyada ee ay dadkooda u sameeyeen. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash iyo barwaaqo oo ay horumar balaadhan oo la taaban karo gaadhaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Md. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu balan qaaday inay wax la qaban doonaan ciidammadda Booliska, waxaanu yidhi “Anaguna waxaan balan qaadaynaa dawlad ahaan iyo madaxweyne ahaanba inaanu wixii waxtar ah iyo wax u qabasho ah inaanu la sameynayo.”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka waramay baahiyaha ciidanka booliska iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ciidanka Boolisku.