Laba Garab Oo Ay SONYO U Kala Jabtay Oo Doortay Laba Guddoomiye

0
878

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dalladda ay ku bahoobeen ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa u muuqata in khilaaf hadheeyay uu kala kaxeeyay, waxaanay laba garab oo dalladdu u kala jabtay ay kala doorteen laba guddoomiye.

Garab ka mid ah ayaa shir ay ku qabsadeen shalay xarunta SONYO waxay guddoomiye ugu doorteen Siyaad Cumar  Cali, halka ku xigeena loo doortay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxaana doorashadaas goob-joog ka ahaa guddoomiyaha xilka wareejinaya Mubaarik Ismaaciil Taani. Garabkani waxay sheegeen inay yihiin aqlabiyada ururada SONYO ee ka qayb gashay shirweynihii daladda.

Guddoomiye Siyaad Cumar Cali oo madasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay ergooyinka “Sharaf weyn ayay ii tahay in aad codkiina i siiseen. Taariikh weyn ayaad samayseen iyada oo markii ugu horraysay aad doorateen xubno ka soo jeeda darafyada Somaliland tani waxa ay muujinaysaa wax wada lahaanshaheena. Waxa ay na siinaysaa kalsooni aan dhallinyarada ugu adeegno. Xubnaha kooban ee innaga maqnaaday waxaan ku dadaali doonaa in aan keeno SONYO. Dalladdani waa mid tisqaaday oo aan marnaba looga baqanayn in ay xagal daacdo. Waa ballan in aan xubnaha yar ee innaga maqan si sharaf leh kalsooniddooda u heli doono maadaama intii badnaydba na siiyeen”. Ayuu yidhi Siyaad Cumar Cali.

Hase yeeshe garabka kale oo shirka ku qabsaday mid ka mid ah hoteelada Hargeysa, ayaa waxay guddoomiye u doorteen Cabdicasiis Xirsi Warsame, waxaanay sheegeen garabkani inay yihiin aqlabiyada SONYO.

Cabdicasiis, oo isaguna markii la doortay hadlay ayaa yidhi  “Waxaan u mahad-celinayaa dhammaan ergooyinka ka soo qayb-galay Shirweynaha 7aad ee Dallada SONYO, waxay u dhabar adaygeen wakhti adag, waxay u dhabar adaygeen Caddaadis badan oo la saaray, waxay diideen Dano kasta, Lacag kasta iyo af-duub kasta oo loola tagay waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihiin midnimada aad muujiseen. Waxaan u mahad-naqayaa Ergooyinka halkan fadhiya iyo guud ahaan daneeyayaasha Dallada SONYO.”

Natiijadan ayaa timid ka dib markii lagu guuldaraystay in la isu soo dhaweeyo ergooyinkii ka qayb galay shirweynihii SONYO oo u kala qaybsamay laba garab oo uu xifiltan badani ka dhexeeyo, waxaanu khilaafkani halis gelinayaa daladda SONYO oo dhawaan uun dhisatay dhisme u gaar ah.

Geesta kale, ma muuqdaan ergooyin dhexdhexaad ah oo xil iska saaray isu soo dhawaynta dhallinyaradan, oo haddii uu khilaafkoodani sii socdo curyaamin kara hano-qaadka dalladda SONYO.