Halyey Maxamed-rashiid Oo Shalay Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa

0
565

Picture5Hargeysa(Geeska):-Alleh ha u naxariistee xoghayahii ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa shaley aas-qaran loogu sameeyey xabaalaha xeedho ee duleedka waqooyi ee magaalada Hargeysa.

Waxaana aaskan qaran ee marxuumka loo sameeyey ka soo qeyb galay guud ahaanba bahda saxaafada, qaar ka mid ah wasiirada xukuumada, madaxda xisbiyada qaranka, xildhibaano, maayarka caasimada Hargeysa, ehelada iyo qaraabada marxuumka iyo kumanaan qof oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshada.

Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax,ayaa ku geeriyooday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, kadib dhaawac ka soo gaadhey gaadhi kula dhacay duleedka magaalada Berbera. Waxaana abaaro 11:30-kii subaxnimo maydka marxuumka laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha ee Cigal International Airport ee magaalada Hargeysa, iyada oo ay halkaasi maydka marxuumka ay ku qaabileen masuuliyiin, bahda saxaafada, ehelada marxuumka iyo dadweyne kale oo aad u tira badan.

Guud ahaana waxaa dadkii ka soo qeyb galay aaska marxuumka ay iyaga oo ka tiiraanyeysan geerida ku timi marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ay ka marag ka ceen in uu ahaa qof wanaagsan oo bulshada meel aad u fiican kaga jirey.waxaa kale oo ay dadka aqoonta dheer u lahaa ay marxuumka ku tilmaameen in uu ahaa shakhsi mabda’ leh, kaalin muhiim ahna ka soo qaatey xoriyada saxaafada. Haatana ku god galey isaga oo ku hawlan xoriyada Saxaafada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Somaliland Md:Cabdi-waaxid oo isaguna sida oo kale halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu Illaahay uga baryey in uu marxuumka u naxariisto, dambigiisiina Alleh u dhaafo.“Alleh ha u naxariisto, dambigiisana ha u dhaafo, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, iyo guud ahaan bahda saxaafada ee uu ka baxay samir iyo iimaan uu ka siiyo. Maxamed-rashiid waxaa uu ahaa nin aad u balaadhan oo bulshaawi ah, saafadu ay ku urursan tahay oo isku wada oo cid walbana og ayaa uu ahaa Illaahay waxaan mar labaad ka baryeyaa in uu u naxariisto,dambigiisana u dhaafo”Ayuu yidhi Cabdi-waaxid

Murashaxa madaweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xusseen, oo isna sida oo kale halkaasi ka hadley ayaa sheegay in mawqifka Maxamed-rashiid uu ahaa mid aan la iibsa karin, sida oo kalena ay shakhsiyaadka isaga oo kale ahina ay ku yar yihiin bulshada Somaliland. “Maxamed-rashiid, waxaa uu ahaa xoghayahii hore ee Solja, waxaanan leenahay Illaahay naxariistiisii Janatul Fardawsa ha ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka tageyna Illaahay samir iyo Iimaan ha ka siiyo, waxaa uu ahaa nin halyey ah oo geesi ah nin aanu la soo shaqeynay, xaalado adagna aanu soo wada marney, waxaa uu sida oo kale ahaa nin aan mawqifkiisa la iibsan karin oo damiirkisu uu foojigan yahay ayaa uu ahaa runtiina shakhsiyaadka isaga oo kale ahi waa ay ku yar yihiin bulshada dhexdeeda”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Ugu danbeyntiina guud ahaanba madaxdii iyo qeybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka soo qeyb galay Aaska marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa Illaahay uga baryey in uu godka u nuuriyo sida oo kalena uu marxuumka Janatul Fardawsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.