Siyaasiga Cabdicasiis Samaale Oo Ka Hadlay Sida Ay U Suurtogalayso Inay Qabsoonto Doorasho Aanu Waddani Qayb Ka Ahayn

0
1063

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay sida ay u qabsoomi karto doorasho uu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ka maqanyahay, marka la eego heshiiska ay dhawaan wada gaadheen labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID.

Xisbiyada KULMIYE IYO UCID ayaa sheegay inay soo gunaanadeen kulamo ay komishanka doorashooyinka la lahaayeen, isla markaasna ay komishanku gudo galeen hawlaha doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ka dhiman.

Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ugu horayn ka hadlaya kulan ay UCID iyo KULMIYE la yeesheen guddiga doorashada wuxuu yidhi “Go’aamadii labada xisbi ay soo wada saareen maalintii dhawyad iyo siday u hirgali lahaayeen ayaa ugu muhiimsanayd Komishanka qaranka waan u nimi haayad kastaana waxay leedahay shaqo markaas shaqadaas ay lahaayeen waxii kaga aadanaa go’aamadaas ay asxaabta qaranku isla soo gaadheen ayaan ka wada hadalnay, waxii aanu ka wada hadalnayna wax aanu isla qaadanay ayay ahaayeen markaas ka xisbi ahaan waxaanu ugu nimi go’aamadaas labada xisbi soo wada gaadheen ee khuseeya doorashooyinka.”

Cabdicasiis Samaale ayaa la waydiiyay sida ay u suuro galayso doorasho aanu Waddani ka mid ahayn“ xisbiga Waddani waa xisbi qaran xaq buu u leeyahay go’aamada uu qaadanaayo anaguna asxaab qaran ayaanu nahay xaqbaanu u leenahay go’aamada aanu qaadanayno waanu ku ixtiraamaynaa go’aankooda laakiin iyaga ayaa la rabaa in aad waydiiso way ogol yihiin doorashada 12/12/2019 ee waxa ka qaldan. Waxaanu go’aansanay waxii anaga nagu xidhnaa inaanu dhamayno waanay naga dhan yihiin.”

Samaale oo mar kale la su’aalay waydiiyay sida doorashadu ay ku suuroobayso Waddani la’aan ayaa arimaha iska dhago mariyay“ Saddex xisbi inay doorasho galaan waa loo baahan yahay hadduu xisbi diido oo uu u diido waxaanu sharci u lahayn maxaa laga yeelayaa iyadana xisbigaas ayay tahay in la waydiiyo anagu Waddani u diidi mayno; doorasho inuu galaanu jecelnahay waa xisbi qaran oo aan is leeyahay diidiba maayo taas isagaad waydiinaysaan.”

Cabdinaasi Qodax oo u hadlaayay xisbiga UCID waxa uu halkaas ka yidhi “Waxaad la socoteen in maalmahanba labada xisbi ee KULMYE IYO UCID ay soo saareen go’aamo iyo heshiis ku saabsanaa sidii ay doorashadu u qabsoomi lahayd 12/12/2019 doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo runtii in badan mudo dhaaftay, waxa nasiib daro ah in golaha wakiiladu 14 sanadood uu fadhiyo, mar walbana uu helaayay mudo kordhin.”

Cabdinaasir Qodax oo hadlakiisa sii wataa waxa uu yidhi“ komishanka waxaanu la yeelanay kulankii labaad sidii hawshaas doorashooyinka iyo diiwaangalinta loo dardar galin lahaa wakhtiga yar ee hadhayna looga faa’idaysan lahaa dib u dhac danbena aanay doorashooyinkaas ugu iman,kulamo adag ayay ahaayeen oo doodoodu adkayd,go’aamo fiican oo dhaxalgal ah oo ku saabsan sidii loo diyaar garoobi lahaana inay inta u hadhsan ay dadka iyo dalkaba uga faa’idaystaan, waxaanay noo sheegeen in wax badan oo farsamo ahayd ay dhamays tireen oo seerfarka ku saabsan oo khubaro ay caalamka uga timi baryahana ay joogtay oo dadkii ku celceliyay barigii dhawayd oo 30 kun ku dhawaa inay kaadhadhkii u diyaariyeen, waxay noo sheegeen in 160 kun oo qof oo kaadhadhku ka habsaameen barigii dhawayd inay hada u diyaariyeen,aakhirkiina waxaanu ku in loo diyaar garoobo diiwaangalintii iyo doorashooyinkii.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here