La-taliyihii Madaxweyne Muuse Biixi Ee Arrimaha Doorashooyinka Oo Iscasilay

0
571

Cabdillaahi-Cukuse, ayaa sheegay inuu Door-biday inuu Xilka iska casilo

Hargeysa (Geeska) – Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Doorashooyinka, ayaa ku dhawaaqay inuu Xilkaa iska casilay.

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo Xukuumadihii kala dambeeyay ee Xisbiga Kulmiye ka soo qabtay Xilal kala duwan, sida Wasiirrada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Warfaafinta, Afhayeenka Madaxweynaha iyo La Taliyaha Arrimaha doorashooyinka oo uu imika iska casilay, ayaa sheegay inuu door-biday inuu booska u banneeyo Cid shaqo badan qaban karta.

Cabdillaahi-Cukuse oo Shalay u warramay Telefiishanka SAHAN oo Wargeyska Geeska Afrika uu warkan ka soo xigtay ayaa yidhi “Waxaan doonayaa inaan Ummadda u sheego, iyadoo igu ogaa markan u dambaysay inaan ahaa La Taliyaha dhinaca doorashooyinka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, in aan laga bilaabo Maanta (Shalay) door-biday inaan xilkaasi banneeyo, maaddaama oo doorashooyinkii aan u aqbalay inaan la Taliye ahaado wakhtigaasi ay dhamaadeen, doorashooyinkii kalena ay muddo innaga xigto, muddadaana ay ii muuqatay in aanan shaqo faro badan qaban doonin, sidaa awgeedna aan u arkay in aanay fiicnayn inaan Ummadda ka qaato gunno aanan waxba ugu qabanayn.”

Ilaa hadda si rasmiya looga ogaan sababta kaliftay inuu Cukuse iska casilo xilkii La-taliyaha Arrimaha doorashooyinka, inkasta oo uu sheegay inuu isagu door-biday inuu sidan yeelo.

 

Geeska.net//Hargeisa Office