Siyaasi Reer Somaliland Ah Oo Xisbi-siyaasadeed Kaga Dhawaaqay Dalka Holland

0
433

Holland (Geeska) – Xisbi uu Magaciisu yahay ‘Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland’ ayaa lagaga dhawaaqay Dalka Holand.

Aasaasaha, ahan Guddoomiyaha Xisbigaas siyaasadeed ee Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala oo la hadlay Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in sababaha Xisbigan loo aasaasay ay tahay sidii uu wax uu uga qaban lahaa Baahiyaha Waxbarashada Caafimaadka iyo adeegayada Bulshada ee kala duwan.

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa kale oo uu sheegay in Xisbigan ay iska dhex arki doonaan Shacabka Somaliland oo dhan ,isla-markaana uu yahay Muwaadin xaq u leh in la doorto isna wax doorto sida ku cad Dastuurka dalka “Xisbigani wuxuu noqon doonaa mid ay iska dhex arkaan Shacabka Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey waxa ku dhaliyey inuu Xisbigan aasaaso isla-markaana uu isku sharraxo Madaxweyne-nimada Somaliland “Marka hore, waxaan ahay muwaadin xaq u leh inaan wax doorto, isagana la doorto, sidaa awgeed waxa ii muuqatay inaan haysto fursad aan ku noqon karo Madaxweynaha Mustaqbalka Somaliland, waxaanan arkay siyaasiyiintii Dalka oo isku mashquulay intii Waddanka la dhisi lahaa.”

Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Somaliland Axmed Cabdala ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka Somaliland ka gudbeen in qabyaalad wax ku doortaan, taasina ay tahay ta keentay aasaaska Xisbigan “Waxa ku soo beegay xilligan inaan Xisbiga aasaasno in Shacabka Somaliland u diyaar yihiin, una bislaadeen isbeddel, kana sii fogaanaya Qabyaaladda, una sii dhawaanaya dhinaca Dimuqraadiyadda.”

Axmed Cabdala ayaa waxa uu xusay in Xisbigani noqon doono mid u siman yihiin Shacabka Somaliland oo ay iska dhex arki doonaan, waxaana uu tilmaamay in uu noqon doono mid dhex diisa Dimuqraadiyad ka jirto, isaguna uu kaga duwan yahay Siyaasiyiinta Somaliland inaanu aqoonin Qabyaaladda “Waxaan kaga duwanahay siyaasiyiinta kale, ma aqaano Qabiil..”

Ugu dambayn, Aasaaska Xisbiga siyaasadda Somaliland ayaa Sharci ahaan soo mara dhowr jaran-jaro oo kala duwan, sida in marka koowaad la aasaaso iyaga oo Urur ah, markaasi ka dibna waxay ka qayb-galaan doorashada Goleyaasha deegaanka, si markaasi ka dib haddii ay guulaystaan ay Xisbi ugu gudbaan, wallow dhawaan wax laga beddelay Xeerkii Furista Ururrada.

 

Geeska.net/Hargeisa Office