La Taliyaha Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sharraxay Marxalihii Siyaasadeed Ee Kulmiye Soo Maray & Xaaladdiisa Maanta

0
594

Hargeysa (Geeska) – La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha doorashooyinka Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay Marxalihii siyaasadeed ee uu Xisbiga KULMIYE soo maray, Xaaladda Maanta iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Cukuse oo Shalay Hargeysa kula hadlay Warbaahinta, ayaa ugu horrayn sheegay in in Xukuumaddu ugu jeceshahay in Xisbigeedu guulaysto, haddiise ay taasi dhici waydo ay jeceshahay Ciddii kale ee guulaysta, maaddaama oo xilliga arrimahani dhacayaan tahay xilli ay iyagu gacanta ku hayaan Talada dalka, sababna u yihiin doorashada Guulahaasi ku yimaaddeen.

La Taliyaha Arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In Xisbigayagu guulaysto ayaanu ugu jecel nahay, waxa kale oo aanu ugu jecel nahay in guuli dhacdo oo uu xisbiga kale guulaysto, labada goorba annaga waa noo guul, sababtoo ah waxa ka weyn guusha aanu helayno ee ah Xukunkii oo aanu joogno iyo Somaliland oo dunida Ilaahay indhahoodu soo wada eegayaan oo ku farxaysa.”

Cukuse oo la waydiiyey sababta uu u malaynayo inay keentay guul-darrada soo gaadhay xisbiga KULMIYE, ayaa ku jawaabay “KULMIYE wuxuu ahaa Xisbigii Mucaaradka ah ee ugu xoogga roonaa ee dalku yeesho, waxaan kula talinayaa kuwa Xisbiyada ah Xisbigaa KULMIYE jidkaa uu idiin bilaabay Sunnaha wanaagsana ka qaata, Sunaha khaldana iska dhiga. Xisbiga KULMIYE Guul-darrada maba yaqaano, waa xisbiga laba jeer ku guulaystay inuu noqdo Madaxweynaha dalka, waa Xisbiga laba jeer oo doorashada Baarlamaanka la qabtay labada jeerba Kaalinta labaad ku jiray, waxa doorkan dhacay ee aad fahmi kari la’dihiin Kulmiye laftiisii ayuun baa tartamayey, kuwii Kulmiye Shalay ka baxay iyo kuwa jooga, wax weyn oo kale ma dhicin..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office