Hay’adda MADO Oo Tobabar Ku Saabsan Maamulka Iyo Maareynta U Qabatay Beeralayda Deegaanka Arabsiyo

0
620

Picture1Hargeysa(Geeska):-Hay’adda MADO oo ka shaqaysa horumarinta beeraha, ayaa tobabar ku saabsan maamulka iyo maaraynta, xisaabaadka iyo sida oo kale maamulida wakhtiga magaalada Arabsiyo ugu qabatay 50 qof oo ka kala socday beeralayda deegaankaasi.

Waxaana munaasibad kooban oo furitaankii ah hadalo ka soo jeediyey madaxa hay’adda MADO Dr.Mustafe Maxamed Axmed, mas’uul ka socday wasaarada beeraha, guddoomiyaha degmada Arabsiyo iyo sida oo kale ka so qayb galayaal kale.

Madaxa hay’adda MADO Dr.Mustafe Maxamed Axmed oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu faaf faahin ka bixiyey u jeedada  tobabarkan, waxaana uu sheegay in tobabarkani ku saabsan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dadka beeralayda ah gaar aan dhinacyada maamulka iyo maaraynta iyo sidii ay u kala ogaan lahaayeen waxii khasaare iyo faa’ido ah ee ay galaan marka ay dalagyadooda suuqa u iib geeyaan, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in hay’adda MADo oo hawlo badan oo dhinaca beeraha ah ka qabatay deegaanadaasi ay u keeni doonto khubaro dhinaca beeraha ku takhasusay si ay xal ugu helaan xanuunada soo noqnoqda ee ku dhaca dhirta.

 “Ujeedada maanta(doraad), maaha tobarbarkani kii beeraha, sida kuwii hore ee aanu halkan Arabsiyo ka qaban jirnay oo kale, waxaa uu ku saabsan yahay xaga maamulka iyo maaraynta, xisaabaadka, sidii aad wax soo saarka dalagyadiina aad u xisaabsan lahaydeen ee faa’idada iyo khasaaraha u kala ogaan lahaydeen marka aad suuqa gaysaan wax soo saarkiina, xalinta waxi khilaaf ah iyo sida oo kale waliba qaabka ugu haboon ee aad u maamuli kartaan wakhtigiina, laakiin khamiista soo socota Insha Allah mid ku saabsan beeraha ayaa inoo balan ah oo aynu soo ka xaysan doono qof khabiir ku ah beeraha, oo idinkuba khabiir ayaad tihiinee, wax la is weydaarsado, waxyaabaha nalaga soo codsado waxaa ka mid ah xanuunada ku dhaca beeraha sida cayayaanka iyo siyaabaha ugu haboon ee loola dagaalami karo iyo waliba sida daawo loogu heli karo, oo aan wax yeelo lahayn. Laakiin maanta waanu idin ku soo dhaweynaynaa mawduucan hada laga hadlaayo, sida aad uga soo qayb gasheena waad ku mahadsan tihiin”.Ayuu yidhi Dr.Mustafe Maxamed Axmed.

Marwo.Saynab Cabdiraxmaan oo ah mas’uul ka socotay wasaarada beeraha oo iyadun halkaasi ka hadashay, ayaa tilmaantay in hawshan ay wadaan Hay’adda MADO ay tahay mid aad muhiim ugu ah beeralayda ku dhaqan deegaanada hoos yimaada Arabsiyo. Waxaana ay hay’adda MADO ku amaantay sida hagar-la’aanta ah ee ay beeralayda ula barbartaagan tahay sidii ay kor ugu qaadi lahayd heerkooda aqooneed, isaga oo sida oo kalena carabka ku adkaysay in hay’adda MADO ay tahay aad aad muhiim ugu ah deegaanka Arabsiyo oo ka gaysatay hawlo badan oo khuseeya dhinaca xidhista Dhaam hoosaadyada.

“Aad ayaad u mahadsan tihiin hay’adda MADO hawl fiican oo muhiim ah ayaad runtii isu soo xil qaanteen, waxaana aanu runtii ugu faa’idaysan doona si fiican haddi Alleh idmo, dadka ka soo qayb galayaasha ah runtii waa ay u baahan yihiin aqoonta noocan oo kale ah iyo sidii loo dhiiri galin lahaba si wax soo saarku kor ugu kaco,waxaana ay dadka halkan jooga ka kala socdaan waa ururada bulshada ee Wadda-jir  iyo qaybaha kale ee ururadaba iyo bulshadaba.”Ayey tidhi Marwo.Saynab Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha degmada Arabsiyo Md.Cabdiraxmaan oo isna halkaasi ugu danbeyn ka hadlay, ayaa aad ugu mahad celiyey hay’adda MADO tobabarka ay u qabatay  beeralayda ku dhaqan Arabsiyo, waxaana uu dadka ka soo qayb galayaasha ahna uu ugu baaqay in ay si fiican uga faa’idaystaan tabobarkaasi, waxaana uu yidhi;“Arrin aad u fiican oo aqoon korodhsi ayey inoo wadaan MADO, waxaan qabaa marka maamul la yidhaahdoo wax aan maamul lahayn ma jiro, haddii wakhtiga tahay iyo haddii ay tahayb sida aynu u kala ogaanayno khasaaraha iyo faa’idadaba, ama beertaada ha noqoto ama qoyskaaga ha noqo iyo waxii kale ee ka badanba. Marka la leeyahay beeralayda ayaa cilmiga beeraha la barayaa macnaheedu maaha in aad jaahiliin tihiin dad badan oo khubaro ah ayaa idin ku jira, waxaana runtii cad oo muuqata in hadana wax isweydaarsiga ay aqoontu ku jirto. Waxa weeye haddii beerta aad maalin walba qodo oo aanad garanayn waxa aad ka faa’ido iyo waxa aad ku khasaartaba miyaad wadaysaa uun soo khasaar maysid markaa ta aynu maanta u joognaa waa in aynu maanta barano khasaaraha iyo faa’idada sidii aynu u kala ogaan lahayn. Aa iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa hay’adda MADO. Waana runtii hay’ad qiimo badan oo wax badan ka qabatay deegaanada ,wax badan oo kalena aynu ka sugayno.”.