Imaaraadka Oo Soo Saaray Liiska Dalal Somaliland Ku Jirto Oo Uu Dadkooda U Fasaxay Fiiseyaasha Booqashada Oo Hore Loo Joojiyey

0
1077

Dubai (Geeska) – Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa Isniinta Berri oo ku beegan 30-ka bisha August, 2021 dib u bilaabaysa bixinta fiisooyinka Dadka Dalalka kale ku nool ee doonaya inay Imaaraadka u safraan ama u dalxiis tagaan.

Wakaaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee magaceeda loo soo Gaabiyo WAM, ayaa baahisay in 30-ka bishan dib loo bilaabayo qabashada Codsiyada Fiiseyaasha Dadka Imaaraadka tagaya ee ka imanaya dalalka kale ee Adduunka guud ahaantood.

Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta oo soo xiganaysa Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka ee (NCEMA), ayaa baahisay Liiska Waddamada Dadkooda loo ogolaaday inay u safraan Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somaliland, Soomaaliya iyo Dalal kale oo aad u badan.

Shuruudaha laga rabo Dadka u safraya Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ka mid ah inay hore u qaateen Tallaalka difaaca u ah Xanuunka Covid_19 ee ay aqoonsan tahay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, isla-markaana sitaan Waraaqaha caddaynaya inay qaateen talaalkaasi, iyagoo iska diwaangelin doona garoomada diyaaradaha Imaaraadka Carabta si loo hubiyo Xaaladdooda Caafimaad iyo Waqaaraha aqoonsiga ee sheegaya inay Tallaalan yihiin.

War Qoraal ah oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM, ayaa lagu yidhi  “Hay’adda Federaalka Imaaraadka ee Maamulka Jinsiyadaha (ICA) iyo Hay’adda Maareynta Dhibaatooyinka Degdegga ah iyo Musiibooyinka (NCEMA) waxay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in laga bilaabo 30ka August, codsiyada fiisooyinka dalxiiska uu u furan yahay dadka ka socda dhammaan waddamada Dunida, haddii si buuxda loogu Tallaalay Talaallada Covid_19 ee ay aqoonsan tahay WHO..”

Warka ayaa intaa ku daray in go’aankani qayb ka yahay qorshaha Dawladda Imaaraadku ku doonayso isku-dheeli-tirka Caafimaad-qabka dadweynaha iyo hirgelinta qorsheyaasha soo kabashada Imaaraadka Carabta “Tani waxay qayb ka tahay Istaraatiijitadda Dalka Imaaraadka Carabta ee ah in la abuuro Dheelli-tirka Caafimaadka dadweynaha iyo taageerrada dedaallada Qaran ee lagu gaadhayo soo kabasho waarta iyo koboc dhaqaale..” ayaa lagu sheegay Warka ay daabacday Wakaaladda WAM.

Ugu dambayn, arrinta xiisaha leh ee Warka ku saabsan ayaa ah, in Dawladda Imaaraadku liiska ay soo saartay ay Somaliland ka soo hor-marisay Soomaaliya, taasi oo tilmaan u ah siyaasadda rasmiga ah ee Dawladda Imaaraadka ee ku aaddan Somaliland, taasi oo ah inuu ula dhaqmayo sida Dawlad uu aqoonsan yahay oo kale, inkasta oo aanay ahayn markii koowaad ee uu sidaa yeelo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office