Kzy Kuu: Hablo Baacsasho- Waa Ciyaar Dhaqameed Ay Caan Ku Yihiin Dadka Asalkoodu Turkic Yahay

0
626

 

Astana (Geeska)- Ciyaarta Kyz Kuu oo macnaheedu noqonayo ‘Hablo baacsasho’ waa ciyaar dhaqameed fardo fuul ah oo ay caan ku yihiin dadka asalkoodu Turkiga yahay oo ku dhaqan dhul aad u ballaadhan oo ka mid ah woqooyiga, badhtamaha iyo gabeedka gobalka isaga gudba Qaarada Eeshiya iyo Yurub ee lagu magacaabo Eurasia.

In kasta oo ay ciyaartani fardo-fuul tahay waxa ay ciyaaraha kale ee fardo-fuulka ah ee dunida ka jira kaga duwan tahay waa in labada qof ee tartamayaa ay mar kasta yihiin wiil iyo gabadh iyo arrinta xiisaha gaarka ah leh oo ah in wiilku haddii uu guulaysto uu xaq u yeelanayo in uu inanta dhunkado, waana sababta dadka qaar ay ugu yeedhaan ‘Ciyaarta dhunkashada’

Qaabka loo ciyaarayo

Wiilka iyo inanta tartamaya ayaa la isu soo saarayaa, wiilka oo faraskiisa saaran ayaa istaagaya khad calaamadsan oo ah halka uu ka bilaabayo orodka. Inanta oo iyaduna ay qasab tahay in ay dhalinyar tahay ayaa iyada oo iyaduna faraskeeda saaran waxa ay istaagaysaa khadka loo calaamadiyey in ay orodka ka bilowdo. Waxaa xusid mudan in labada bar-bilow ee inanta iyo inanku ay kala horreeyaan masaafad waxoogaa ah oo inanka la dambaysiinayo, taas oo macnaheedu yahay in ay u kala dhow yihiin laynka dhammaadka ee la rabo in tartankoodu ku joogsado.

Marka orodku bilowdo haddii wiilkaas dhalinyarada ahi uu awoodo in uu soo qabto inanta ka hor inta aanay gaadhin khadka dhammaadka, waxaa fasax u ah in uu faraskiisa faraskeeda ku dhoweeyo kadibna dhunkasho dhaqso ah dhunkado iyaga oo labaduba fardahooda saaran oo orodkiina aan joojin. Dhunkashadaas ayaa dhaqankani uu aaminsan yahay in ay tahay calaamaddii guusha wiilka.

Haddii ay inantu badiso, oo ah marka uu wiilku soo qaban kari waayo inta aanay gaadhin khadka dhammaadka, inantu inta ay soo kala jeediso faraska ayaa ay wiilka oo dabcan daba ordayey ay iyadu dib u eryenaysaa illaa la isla gaadho calaamaddii bar-bilowga. Haddii ay markaas inanta faraskeedu uu la sinnaado faraska wiilka waxaa fasax u ah in ay shaabugga/jeedalka ay faraska ku eryeysay isaga la dhacdo, taas oo ah calaamad muujinaysa in ay guulaysatay.

Qawmiyadda Turkiga oo tiro ahaan lagu qiyaaso 140 illaa 160 Milyan oo qof waa dad isir ahaan isku mid ah, afka oo meelaha qaar kala yar duwan uu ka dhexeeyo, tirada ugu badani muslimiin sunniya tahay, laakiin ku kala dhaqan dalal tiradoodu labaatan ku dhowdahay oo isugu jira kuwo ay ku badan yihiin iyo kuwo lagaga tiro badan yahay.