Shuraako Oo Furtay Shirweynaha Horumarinta, Maalgashiga Iyo Kobcinta Dhaqaalaha Somaliland

0
547

Hargeysa (Geeska)-Kulan balaadhan oo lagaga doodayo habka maalgelinta iyo kobcinta Dhaqaalaha iyo waliba sida loo horumarin karo qaybaha kala duwan ee Ganacsiga Somaliland,ayaa lagu qabtay Mansoor Hotel.

1

kulan oo saddex cisho socnaya ayaa waxa soo qaban qaabiyey Hay’adda Shuraako, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Qorsheynta,Masuuliyiinta Hay’adda Shuraako, Ganacstada kala duwan ee dalka, Shirkadaha isgaadhsiinta Hay’addo, khubaro ku xeel dheer ganacsiga iyo marti sharafo aad u tiro badan, waxaana munaasibadii kulan lagu soo bandhigay waxyaabo badan iyo hindiyaal cusub oo ay hirgaliyeen Shirkadaha kala duwan ee dalku iyo muwaadiniin reer Somaliland ahi.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb   oo isagu ugu horeyn munaasbadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey kulankan ku saabsan kobcinta Ganacsiga, iyo Maalgashiga waxaanu u mahadnaqay Hay’adda Shuraako, oo uu uga mahadnaqay doorka ay ka qaadatay kobcinta iyo horumarka Ganacsiga, waxaanu bulshada reer Somaliland ku dhiirigaliyey inay xooga saaran ganacsiga qaybihiisa kala duwan.

Wasiirka Qorsheynta Cali Saleebaan Jirde (Cali Shoondhe) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan, waxaanu tilmaamay inuu kulankani wax badan ka tari doono horumarka ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isna halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad iyo faah-faahin ka bixiyey qiimaha uu ganacsigu u leeyahay bulshada, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii Ganacsiga Somaliland loo gaadhsiin lahaa heerka sare, waxaanu tilmaamay in heshiiska Shirkada DP ee Dekadda Berbera uu horumar balaadhan u yeelanayo Somaliland, gaar ahana dhinaca Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Waxbarashada iyo maalgashiga Wadanka.

Agaasimaha Hay’adda Shuraako Mr Lee Sorensen oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa isna dhankiisa faah-faahin ka bixiyey muhiimada iyo ujeedada kulankan, waxaanu sheegay in kulankani wax badan tari doono,

Dr Maxamed Samatar oo ah khabiir ku xeel dheer Ganacsiga wadamo badan ka soo shaqeeyey oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga waramay qiimaha iyo faa’iidada uu Ganacsigu leeyahay, waxaanu sheegay in kulankan yahay mid wax badan ka tari doona baahiyaha Ganacsiga, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Hay’adda Shuraako oo uu sheegay inay kaalin muhiim ah ka qaadato kobcinta Ganacsiga Somaliland.

Dhanka kale waxa Munaasibadaas lagu soo bandhigay film Dicumantariya iyo xog ururin ku saabsan Ganacsiga iyo qiimaha uu leeyahay,