KULMIYE Oo Waddani Ka Codsaday Inuu Ka Jawaabo Warka Ah Inay La Kulmeen Madaxda Somaliya

0
617

Hargeysa (Geeska )- Xisbal-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa ka codsaday dhiggiisa mucaaridka ah ee WADDANI inuu bulshada u caddeeyo kulamo ay sheegeen inay Nayrobi kula yeesheen madaxda Somaliya.

1

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee Hargeysa ayaa yidhi “Waxa muddooyinkan dambe bulshada reer Somaliland isweydiinaysay safarkii madaxda xisbiga WADDANI ku tageen dalka Kenya oo ay su’aalo badani ka soo noqonayeen, iminkana ifafaale iyo warar cusub oo warbaahinta dalka Kenya ay qorayaan ayaa ina soo gaadhaya, waxaanay taasi muujinaysaa in guddidaas oo ah hoggaankii xisbiga WADDANI ay la kulmeen xubno ka mid ah dawladda Muqdisho oo uu ka mid yahay Ra’isal-wasaare Cumar Cabdirashiid, kana wadahadleen sidii mustaqbalka haddii uu xisbigaasi ku guulaysto doorashada loola midoobi lahaa Soomaaliya,” ayuu yidhi Md. Xasan Gaadhaafi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata uu u soo jeediyey hoggaanka WADDANI inay shacabka u sheegeen wixii lagaga wadahadlay kulankaasi qarsoodiga ahaa, “Waxa aynu ognahay in xisbiga WADDANI taageerayaashiisa ballaadhani ay yihiin dad reer Somaliland ah oo ku gawracan qaddiyadda Somaliland, xisbiguna xisbi qaran oo axsaabta Somaliland ka mid ah uu yahay, waxaanuna leenahay hoggaanka xisbiga WADDANI bulshada reer Somaliland iyo

taageerayaashiisaba ha u caddeeyo waxyaabihii ay halkaas la tageen, ciddii ay la kulmeen, wixii ay ka wadahadleen iyo arrimaha ay warbaahinta Kenya qorayaan waxa ka jira, intaas wixii ka dambeeyana waxanu warbaahinta soo siin doonaa wixii warar ah ee arrintaas kasoo kordha.”

Dhinaca kale, Afhayeenka KULMIYE waxa uu ka hadlay dhaawacyo saraakiil ka tirsan xisbiga WADDANI loogu gaystay magaalada Hargeysa dhawaan, waxaannu xusay in xisbiga KULMIYE ka xunyahay arrintaa, isla markaana waxa hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay dadaalgeliyaan sidii loo soo qaban lahaa cidda dhibaatadaas geysatay, “Xubnihii ka tirsanaa xisbiga WADDANI ee maalmihii aynu soo dhaafnay goor habeennimo ah dhaawacyo loogu geystay magaalada Hargeysa aad iyo aad baanu uga xunnahay, Ilaahayna waxaannu ka rajaynaynaa gacan ka xaq-daran baa waxyeeshaye inuu caafimaad degdeg ah siiyo, ciddii og wixii wax u geystayna waaa inay sheegaan, ciddii aan ogayna inay hay’adaha ammaanka ka caawiyaan sidii loo soo qaban lahaa dadkaas,”ayuu yidhi afhayeen gaafaadhi.