Jaamacadda Hargeysa Oo Qabatay Kulamo Lagu Lafo-Guray Abaaraha Soo Noqnoqday

0
552

Hargeysa (Geeska)-Kulan ay soo agaasintay Jaamacadda Hargeysa oo lagaga tashanaya sidii qorshe mideeysan looga yeelan lahaa abaaraha soo noqnoqday ee ka taagan deegaannada Somaliland, ayaa maalintii shalay ka qabsoomay Maxadka xallinta khilafaadka ee jaamacadda Hargeysa.

1

Kulankan oo si aad u heersarraysa loo soo agaasimay, waxa ka qayb galay masuuliyiin ka socday wasaaradaha iyo Hay’addaha kala duwan ee shaqeeya arimaha deegaanka, Ururada Bulshada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen,  Wasaaradda beeraha, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, Guddida Abaaraha ee heer-Qaran haayadda Qaramad Midoobey ee FOA- SWALIM, ActionAid, Oxfam, HAVAYOCO, CANDLELIGTH iyo masuuliyiinta jaamacadda Hargeys.

Kulankan oo ahaa kii labaad ee lagu lafa-gurayey arrinta abaaraha soo noqnoqday iyo in qorshe midaysan lagu waajaho waxa ugu horreyn ka hadlay Agaasimaha Machadka Daraasadka Nabada iyo xallinta khilafaadka ee Jaamacadda Hargeysa Mudane Naasir Maxamed Cali, isaga oo faahfaahinaya ujeedada kulankanna waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Kulankani wuxuu xooga saaraya sidii aynu abaaraha uga bixi lahayn mustaqbalka, inagoo kaashanayna khubarada u dhalatay Somaliland iyo Hay’addaha kale ee ku shaqada leh, oo iyana qayb ka ah daraasadan” Agaasime Naasir Maxamed Cali oo sii wada hadalkiisu waxa uu intaas ku daray in jaamacadda Hargeysa ay qaadatay qorshe ah in ay ka shaqayso sidii ay bulshada ugala qayb qaadan lahayd xal u helidda xaaladaha jira, isaga oo arrintaas faahfaahinayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Jaamacad ahaan waxa aanu qaadaynay istaaratijiyad ah in wixii aanu Bulshada ku kordhin karno aanu ku kordhinno, annaga oo ka jawaabayna taasna waxa aanu u (Unit of analysis) qodobka falanqaynta u qaadannay abaaraha oo kale kulankan iyo kii ka horeeyey iyo cilmibaadhis goballada loogu bixi doono Barriga iyo kuwa Galbeedka oo abaaruhu hore uga dhaceen, waxa ay qayb ka yihiin xaaladaas uu dalku ku jiro, ee Jaamacaddu doorkeeda ka qaadanayso sidii looga bixi lahaa”

Dhinaca kale waxa iyana kulankaas ka hadlayo khubaro ku xeeldheer arrimaha deegaanka, masuul ka socday Guddida Abaaraha iyo Guddoomiyaha Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), waxaana dhammaantood sheegeen in kulankan yahay mid aad u muhiim ah, iyagoo ka xog warramay sida ugu wanaagsan ee ay u arkaan in lagaga gaashaman karo abaarahan soo noq-noqnaya.

Machadka Daraasadka Nabada iyo xallinta khilafaadka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa lagu wadaa in mawduucan falanqaytiisu socoto ee la xidhiidha abaaraha uu ka soo saari doono daraasad muhiim u ah xal u helidda abaaraha soo noqnoqda iyo weliba sidii haayadaha ku shaqada lihi uga yeelan lahaayeen qorshe midaysan si wax-qabadku u nodqdo mid midho dhala.