Cirro Oo KULMIYE Ku Eedeeyay Inay Isku Nab-nabeen Sawiro Isaga Iyo Madaxda Somaliya Ah

0
580

Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, waxaanu si gaar ah uga hadlay abaaraha dalka ka taagan, sicir bararka, qabyaalada, Doorashada iyo qodobo kale.

1

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sidoo kale dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay sawiro lagaga faafiyey oo sheegaya inuu magaalada Nayrobi kula kulmay raysalwasaraha Somaliya,, waxaanu ugu horeyn  yidhi isagoo shalay ka qayb galay munaasibad loo qabtay taageeryaal ku soo biiray Xisbiga Waddani “Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo la ii sheegay inuu Itoobiya ku xanuunsanayo  Suldaanka ILLAAHAY Caafimaad ha siiyo, waxaan u mahadnaqayaa Guddidii qaban-qaabada munaasibadan weyn, ee Hablaha ee Koonfurta Hargeysa aanu halkan ugu qabanay, hablahana waxaan leeyahay gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawaada”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey dhaawacyo masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Waxaan jecel ahay in aan ka hadlo jidh dilkii loo geystay masuuliyiinta sarsare ee ka tirsan Xisbiga Waddani,arintaasi maaha arin la qaadan karo, maaha arin la aqbali karo, waa kicin dadweyne, waa abaabul dagaal sokeeye, waa gardaro, waa adyad, waa arin khatar ku ah xasiloonida, iyo amaanka jamhuuriyada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa Ciidamada amniga in arinka dadkii fal dambiyeedka sameeyey soo qabtaan gacanta sharcigana keenaan, sharciga hortiisana keenaan”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Ololaha ayaa yidhi “Ololaha iyo Xafladaha sida aan shalay (doraad) sheegay Xisbiga Kulmiye sida aad ka war qabteen bishii kow iyo tobaanad wuxuu yidhi waxaanu joojinay Xafladaha, abaarta awgeed, laakiin maalintii ku xigtay ayuu bilaabay, maalintii uu baaqa soo saaray maalintii ku xigtay, Burco ayaanu joognay, anaga oo leh wey mahadsan yihiin ayuu haddana bilaabay, laba bilood ayaanu daawnaynay hadda, marka taageerayaashaydu waxay yidhaahdeen ma adkaysan karno, marka anaguna ma joojin karno taageerayaasha, markaas waanu u fasaxnay xafladihii maanta”. Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlay Abaaraha, kulankii uu Nayrobi kula yeeshay Hay’addaha Caalamiga iyo jawaabtii Xukuumadda ayaa yidhi “Arinta abaaraha waxaanu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu roob khayr qaba inoo keeno, roob deg deg ah inoo keeno, Xisbi ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu Shacabka u gurmano, guddo iyo dibad, waxaad ka war qabteen gurmadkii aanu ka geysanay Beesha Caalamka ee aanu ugu tagnay in Shacabka reer Somaliland ee abaartu ku dhacday la taageero, inkasta oo Xukuumaddu halkii ay ka taageeri lahayd ay ka xumaatay”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Arinta Doorashada waxaanu leenahay mar walba mudnaanta ha la siiyo abaarta gurmadka shacabka ha la siiyo, waxaanu caddeynaynaa in Xisbiga mawqifkiisu yahay Doorasho wakhtigeedii lagu qabto, arinta Doorashada qabashadeeda iyo maamulkeeda waxaanu u daba fadhinaa Guddida Doorashooyinka Qaranka”.

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Sicir bararka dalka ka taagan ayaa yidhi “Sicir bararka waad ka war qabtaan halka uu marayo, meel naxdin leh ayuu marayaa, Xisbiga Kulmiye halkii uu wax ka qaban lahaa Sicir bararka wuxuu kaga mashquulay olole, waxaan u soo jeedinaynaa in arinka sicir bararku qof walba taabatay, oo muwaadin kasta taabatay, oo ciidanka qaranka iyo qoysaskooda taabatay, oo Shaqaalaha dawladda taabatay, oo danyarta taabatay, waxaan Xisbul xaakimka u soo jeedinaynaa inuu ka soo jeesto ololaha, una soo jeesto wax ka qabashada sicir bararka nolosha dadka cidhiidhiga galiyey”.

Cabiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Xisbiga Kulmiye oo uu ku eedeeyay inay isku geegeeyeen sawiro isaga iyo raysalwasaaraha Somaliya, ah wuxuu yidhi “Baryahan dambe waxaad mooda in taladdii Kulmiye inay caal waa noqotay, waxay ku mashquuleen inay sawiro isku nab-nabaan, oo been ka sameeyaan Xisbiga Waddani, Xisbiga Waddani wixiisu waa cad yahay ama Nayrobi ha tago ama dibadda ha u baxo, ama guddaha ha joogo, Barnaamuj cad oo siyaasiya ayuu doonaya inuu dalka ku hogaamiyo, ceeb bay ku tahay in Somaliland la yidhaahdo mar labaad ayaa Somali lagu kabayaa, waxaan is leeyahay waxay wax u dhimayaan Somaliland, Waddani waxba u dhimi mayaan, madaxdiisna waxba u dhimi mayaan, himilada dalka ayey ceeb ka sheegayaan, oo been ka sheegayaan, barnaamujka Xisbi ayey ku taalaa in jabtarka kowaad, cutubka kowaad ee barnaamujka siyaasiga ahi waa toonista gooni isutaaga Somaliland waxay ila tahay qaar baa u marmarsoonaya ee ninkii xamar doonaya ha iska tago, qaar horeba way tageene.”