Duruus Hoggaamineed Oo Ay Fiicnayd In Uu Madaxweyne Silanyo Ka Barto Nelson Mandela. Afrika Staff Writer (Q:1aad)

1
1229

labaMd. Siilaanyo waxa uu halgan dheer u soo galay sidii uu umaddiisa uga dul qaadi lahaa heeryadii cabudhinta, caga-juglaynta iyo keli talisnimada ahayd ee taliskii Siyaad Barre, waa halgan uu shacbigiisa u galay, sida uu Nelson Mandelaba halganka adag ula galay taliskii midab takoorka ahaa ee uu ka xoreeyey dadkiisa… Md. Siilaanyo waxa uu ahaa ruug caddaa da’ ah oo hoggaaminayey xisbi aad u ballaadhan oo awood shacbiya oo badan leh, isla markaana bulshada ugu baaqayey in uu is beddel dhinaca wanaagsan ah ku samaynayo caddaaladda iyo garsoorka, nolosha, xoriyadaha, xuquuqda aadamaha iyo dhaqaalaha, si taas la mid ah ayaa uu hoggaamiyihii 18ka sano ka weynaa ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela waxa uu hoggaaminayey xisbiga ballaadhan ee ANC oo ajandayaashiisa siyaasiga ah xoogga ugu weyn saarayeen isla dhinacayadaa aynu kor ku soo xusnay, in kasta oo ay dhibtu ka taagnayd labadan xisbi oo aanu midkoodna si cilmiyeysan u sharrixin tubta uu u marayo hirgelinta horumarka dhaqaale ee uu ballan qaadayo iyo weliba miisaaniyadda ku baxaysa xaddigeeda iyo halka laga keenayo.

Waa arrin adag in la is-barbar dhigo waxa ay qabteen labada xisbi oo dabcan aad u kala duwan, maadaama oo wax-qabadka iyo horumarka uu xisbiga ANC gaadhsiiyey dalka Koonfur Afrika lagu tilmaamo in uu yahay mucjiso ka dhacday qaaradda Afrika, haddana lama dafiri karo in uu xisbiga Kulmiye qudhiisu wax yaabo badan oo aan hore u dhicin qabtay.

Dhinaca kalana labada xisbi ee ANC iyo KULMIYE waxa ay doorashada ku guulaysteen xilli labada ummadood ee labada dal ay is beddel aad ugu ooman yihiin, sidaa awgeed qiimaynta koowaad waxa ay ahayd is-beddelka ay labadan xisbi ku baaqayeen oo caadifadda loo qabay awgeed aanay cidiba su’aalo badan oo muhiim ah iska weydiin….

Faraqa weyn ee u dhexeeya labadan xisbi iyo guulaha ay dalalkooda u soo hooyeen, waxaa sabab weyn ka ahaa kala duwanaanshiyaha labada siyaasi ee kala hoggaaminayey iyo kala wanaagsanaanta hillinka ay mareen oo aynu qormadeennan ku qaadaa dhigi doonno…

Waa qormo si taxane ah ugu soo bixi doonta dhowrka cadad ee soo socda oo aynu ku eegi doonno duruusta ku jirta hannaankii maamul iyo siyaasadihii hoggaamiyenimo ee Nelosn Mandela oo ay ku fiicnayd in uu madaxweyne Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaga daydo Hoggaamiya reer Koonfur Afrika Nelson Mandela, laakiin uu ka baaqsaday. La soco cadadka beri  iyo qormadan xiisaha badan… Haddii Rabbi Idmo…

 

Comments are closed.