KULMIYE Oo Guul-siyaasadeed U Arka Inuu Hungureeyay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, Isagoo doorashadii Ka Helay 30 Xildhibaan

0
708

Xildhibaannadii Mucaaradka ee Muxaafidka raacay, Xisbigee ayay Sharci ahaan ka mid yihiin hadda ?

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka hadlay loolankii adkaa ee Xisbiyada Mucaaradka ah ku dhex maray doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada JSL, kaasi oo markii dambe ay ku guulaysteen Isbahaysiga Mucaaradku.

Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Baracayaasha Somaliland Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo Shalay ka hadlayey Munaasibad uu xisbiga Kulmiye dib isugu abaabulayey oo Garabka Haweenku ku qabteen Hargeysa, ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradku ku faraxsan yihiin inay ku guulaysteen doorashada, balse Xildhibaannada u soo baxay Xisbiyada Mucaaradku badankoodu ku soo baxeen ‘Habka isku-dardarka codadka’, balse aanay ahayn kuwo ku soo baxay taageero iyo Awood ay xisbiga Kulmiye dheer yihiin.

Xinif waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga Kulmiye isagoo doorashadii Golaha Wakiillada ka helay 30 Xubnood, haddana doorashadii Shir-guddoonka soo gaadhay 41 Xildhibaan, taasina muujinayso fadhiidnimada xisbiyada Mucaaradka ah oo doorashada ka helay 52 Xildhibaan.

Cabdikariin Xinif oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Xisbiyada Mucaaradku yaanay ku xisaabtamin (Natiijada doorashada Isku sidkanayd), doorashada Madaxtooyada ayaynu bannaanka iskugu soo bixi doonaaye.”

Guddoomiyaha Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland waxa kale oo uu sheegay “Golaha Wakiilladu waa 82 Xildhibaan, waxaynu ahayn Laba Isbahaysi, Isbahaysi WADDANI iyo UCID ah iyo Isbahaysi Kulmiye iyo UCID ah, waxaynuna kala haysanay 41 Xildhibaan iyo 41 Xildhibaan. Kulmiye oo 52 Xildhibaan helay, ma cid baa hungurayn lahayd in Shir-guddoonka lagula tartamo, iyaga ayay ceeb ku tahay in iyaga oo 52 helay uu Kulmiye hungureeyay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, Maamul-xumadooda iyo siyaasad xumadooda iyo Taag-daradooda ayay taasi tusaysaa in Maanta 41 iyo 41 la noqday.”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office