Guddoomiyaha Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Rabashad Hal Qof Ku Geeriyooday Oo Ka Dhacday Laascaanood

0
623

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud jiidhe, ayaa ka hadlay rabashad keenay dhimasho hal qof ah oo ka dhacday Dugsi Boodhin ah oo ku yaalla Magaalada Laascaanood, waxaanu tilmaamay inay hadda rabashaddii iyo wixii sababayba ay dhammaadeen, Guddidna ay u saareen, Waxbarashadii Dugsiguna ay socoto.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud jiidhe,oo arintan ka hadlay wuxuu yidhi “Xaaladda Dugsigu sidii hore ee caadiga ahayd ayay ku soo noqotay, Dugsigana waanu qabanay, dabcan Dugsigana waa Dugsi boodhin ah, markaas Guddi ayaanu u saarnay arintan baadhitaan ku samaysa, markaas Guddidana waanu ka war sugaynaa, rabshadan dhacdayna waxaa ku geeriyootay ALLE ha u naxariiste Inan yar oo aan iyadu dugsiga dhigan, balse la jaar ahayd, qadar baa dhacay, aad iyo aad baan uga xumahay inantaas yar ee rabshadaas ku geeriyootay, ee ALLE waxaan uga baryeyaa inuu waalidkeeda ugu beddelo cawed khayr qaba, dhammaanteena samir iyo imaan inaga siiyo, markaas wax kasta oo halkaas ka dhacay badhitaan baanu ku samaynaynaa, baadhitaankiina wuu socdaa, aadna ha looga feejignaado talaabo kasta oo xasilooni daro ka dhalanayso, wixii tabasho ahna si salmiya ha lagu raadiyo”.

Mar uu ka hadlaayey nabadgalyada Gobolka wuxuu yidhi “Guud ahaan nabadgalyada Gobolku way sugan tahay, dawlad ahaan iyo Maamul Gobol ahaanba waxaanu ku dedaalnaa in aanu sugno nabadgalyada, xasiloonida iyo amaankaba, Ardayda iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee Shacabkana waxaan leeyahay ka dheeraada oo ka feejignaada wax kasta oo nabada waxyeelo ku ah..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office