KULMIYE Oo Digniin U Diray Guddoomiyaha UCID Oo Toddobaadkii U Dambeeyay Si Isku Xig-Xigta Xukuumadda Dhaliilo Ugu Jeediyey

0
562

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi-dheere, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu ugu baaqay inuu aad uga fiirsado hadallada uu Warbaahinta mariyo.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Axmed Cabdi-dheere oo arintan ka hadlay Shalay ayaa ugu horeyn yidhi “Anigoo had iyo jeer ku dheeranin jawaabaha dadka ama Xisbiyada, wakhtigan aynu maanta ku jirno laba Doorasho oo isa saaran baynu galaynaa, waxaan la hadlayaa Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, iyo Guddoomiye Faysal, oo aanu is wanaagsan iskugu soo dhawaanay, oo aanu ku tashanay sidii waddankeenu uu horumar u gaadhi lahaa, inagoo og waxaa Geeska ee inagu wareegsan meesha ay Doorasho xor iyo xalaal ah ka dhacaysaa waa  Somaliland”.

Mar uu ka hadlayey Faysal Cali Waraabe ayuu yidhi “Waxaan si gaar ah ula hadlayaa Faysal Cali Waraabe oo maalintii Guurtida Somaliland wakhtigii aanu qabsanay ay halkeedii dhigtay, ilaa iyo maanta haddii ay Xukuumadda tahay iyo haddii ay Guurtida tahay, iyo haddii ay tahay Baarlamaanka sii dagaya ee wakhtigiisi sii dhammaanayo tahayba, saddexdaas ka dhammaan la’a, haddii afku xumaado ayaa la yidhi gacantuna way timaaddaa, waxaanu jecel nahay oo aan maanta Faysal uga jeedinayaa waa dardaaran waxaynu u baahan nahay inay Doorasho inoo dhacdo, luuqadaheena aynu ku hadlayno aynu hagaajino, Baarlamaankii hore ayeynaan waxba odhanin, Madaweynihi aynu shalay amaanaynayna, ilayn afkeena ayeynu ku amaanaynaynaye, oo aynu lahayn Dawladdii doorkii ugu wanaagsanaa ee Doorasho ay ku dhacdo ayey qaadatay, bilo yar baa inoo hadhay, Faysal waxaan odhan lahaa shalay waa adigii sidan lahaa, maantana sidan baad leedahay, Guurtida maalintii dhawayd weynu amaanaynay, xalayna wuxuu lahaa Guurti ma jirto, Baarlamaan ma jiro, Dawladdi ma jirto, Faysaloow Doorasho sidaasi inoogu dhici mayso, waxaan odhan lahaa hadalkaaga intay Doorasho inoo dhacayso dib u dhigo”

 

Geeska.net/Hargeisa Office