Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Hargeysa Ka Sheegay Inaan Soomaali Kala Maarmi Karin

0
697

“Waa In Siyaasadda Runta Laga Sheegaa, Anigu waxaan aaminsanahay Ummadda Soomaaliyeed ama Somaliland ha joogto ama Soomaaliya ha joogto way isku baahan tahay..”

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa sheegay in Soomaalida Geeska Afrika kala maarmi karin, una baahan tahay inay Aragti ahaan u midoobaan si ay wax u wada qabsadaan.

Buubaa oo Shalay isagoo ku sugan Magaalada Hargeysa u warramay Telefiishanka Eryal, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaalida Geeska Afrika ay kala noqon karaan Maamulo iyo kala siyaasad, balse aanay kala maarmi karin, si ay wax u wada qabsadaan, aragtidaasi oo uu sheegay inay ta keliya ee Maanta ka hano-qaadaysa Geeska Afrika.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Anigu waxaan aaminsanahay, Geeska Afrika waxay siyaasaddiisu si wanaagsan isugu soo ururraysaa in Qoomiyadaha Geeska Afrika ay mid waliba wax wada qabsato, oo Qoomiyad walba dhexdooda ka heshiiyaan oo Geeska Afrika oo deggan oo horumara oo khayraadka Ilaahay ku manaystay ee faraha badan  si wanaagsan ula soo baxa, sidaasi darteed Anigu waxaan u arkaa ama Somaliland joog, ama Soomaaliya joog, ama Jabuuti joog, ama Itoobiya joog, Soomaalida Maanta Talo ayaa hor-taalla, taasi oo ah nolol dhaanta Nolosha jiilasha soo socda ay uga shaqeeyaan, taasina waxay ku filan tahay Ummadda Soomaaliyeed oo wax wada qabsata, Maamulladu waa Gooni, waalla samayn karaa Maamul meel u gaar ah, laakiin danaha Geeska Afrika Ummadda Soomaaliyeed waa maqaam aan kala go’ayn oo Ilaahay sidaa u abuuray, oo midba mid la’aantii aanu waxba suuroobayn.”

Buubaa waxa kale oo uu sheegay “Maaha inaynu been isku sheegno ee waa in Runta laga hadlo, Runtuna waxa weeyaan Anigu waxaan aaminsanahay Ummadda Soomaaliyeed ama Somaliland ha joogto ama Soomaaliya ha joogto ama Jabuuti ha joogto ama Itoobiya ha joogto ama Kenya ha joogto way isku baahan tahay, sida Maamulladaa la isku afgaran siinayo ee wax loo wada qabsanayaa waa arrin kale, laakiin Mabda’ ahaan Qofkii ugu jeclaanaya iyo qofkii necebba Anigu Soomaali baan ahay, markaa Soomaalida Geeska Afrika ku nooli ma kala maarmi karto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Soomaalida Geeska Afrika ku nooli ma kala maarmi kartaa waa Maya, Maamulo gaar ah ma samayn kartaa waa Haa, laakiin Maamulladaasi meel gaadhi maayaan haddayna isku iman, Maamullidda iyo Masiirku waa kala gaar, markaa Aniga waxay ila tahay inaad siyaasadda been laga sheegin ee run laga sheegin”

 

Geeska.net/Hargeisa Office