Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Faafinta Wararka Ku Saabsan Xaaladda Ciidammada Qaranka

0
480

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa digniin ka soo saartay baahinta Wararka ku saabsan Ciidammada Qaranka.

War-saxaafadeed Shalay ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, waxay ku sheegtay inay Mabnuuc tahay in Warar aan sax ahayn laga faafiyo Ciidammada Qaranka, sidaasi darteed Ciddii hore u faafisay Warar ku saabsan Ciidammada looga baahan yahay muddo laba Maalmood gudohood ah ku saxaan.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan “Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay waxa ka dhexeeya xidhiidh wada shaqayneed oo ku dhisan dhaqanka iyo xayndaabka dastuurka, iyo ilaalinta xeerka saxaafadda ee lambar 27/2004 ee jamhuuriyadda Somaliland waxana reebban faafinta wixii ka baxsan xuduudaha sharci ee dalka.

Waxa jira hay’ado warbaahineed oo caadaystay qod -qodista ciidamada qaranka oo ay ka mid yihiin HCTV iyo Bulsho TV, kuwaas oo ku gafay una badheedhay jabinta xeerka saxafadda ee lamber 27/2004, qodobka 10aad ee sheegaya masuuliyadda saxaafadda farqaddiisa labaad iyo qodobka 13aad ee tilmaamaya raadinta xaqiiqada, farqaddiisa (a) oo ay ku cad yihiin gafafka ay ku kaceen HCTV iyo Bulsho TV hase-yeeshee waxa u banaan oo uu isla qodobkaa 13aad farqadiisa (b) waajibinaysaa, sida ay u saxayaan markay warbaahintu faafiso warar aan sugnayn sida kuwa aan horay u soo sheegnay.

Xogaha marin habaabinta ah ee aan hore u soo xusnay ee ay baahiyeen HCTV iyo Bulsho TV, waxa ay sidoo kale jabiyeen oo ay ku gafeen qodobka 34aad farqaddiisa 1aad iyo 2aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaya waajibaadka muwaadinka iyo ciqaabta gudasho la’aanta waajibaadkaa.

Sidaa darteed annagoo tixgalinayna xeerka saxafadda ee lamber 27/2004 qodobka 13aad faqraddiisa (b) waxa aanu fursad u siinaynaa HCTV iyo Bulsho TV sida uu qodobkaasi dhigayo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Feb 2021, ay muddo laba maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda aan soo xusnay ay fuliyaan sida uu farayo qodobka 13aad farqadiisa (b) hadday dhagaha ka furaystaan sida uu xeerka saxafaddu farayona waxa laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan.

Wasaaradda warfaafintu waxay uga digaysa dhammaan warbaahinta qaybaheeda kala duwan oo ay ka mid yihiin mareegaha iyo baraha bulshadu, in ay faraha kala baxaan arrimaha ciidamada ee uu xeerka saxaafaddu reebay, oo ujeedada laga lahaa tahay, si aanu cadawgu wax uga ogaan sirta iyo xaaladaha ciidamada ee gudaha.

Ciddii ilaalin wayda dhaqanka, xeerka saxaafadda iyo dastuurka dalka ee faraha kala bixi wayda arrimaha ciidamada waxa laga qaadi doona talaabo sharci ah oo aan ka noqosho lahayn.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office