KULMIYE Halkii Uu Ka Shaqayn Lahaa Maamul Daadejen, Ayuu Qabiil Daadejin Ka Shaqeeyey W/Q: Mujaahid Cali Cismaan Libaax (cali Xaraaro)

0
615

1Markii talada dalka uu hayey xisbigii Udub waxa muuqatey inuu daciiftey Qabyaaladu Waxa laga markhaaati furey in magaca Qabiilka iyo hadal hayntiisuba yarayd Kuna dhaweyd in laga gudbo waxaanay Ahayd sidii loo baahnaa ee xisbiyada Loo sameeyey, qof kastoo u dhashay JSL Haduu dembiga iska dhawro wuxuu Markhaati ka yahay in markii xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegey iyo Qabiilku wada socdeen, waxay nay ahayd Siduu marka horeba xisbiga kulmiye ku Yimi, waxa taa ka daran halkii sare ee Qabiilka kumuu joogine xisbiga Kulmiye Wuxuu ka hawl galay oo lacag malaayiin Doolar ah ku bixiyey inuu daadajiyo Qabiilka, tusaala ahaan halka la Gaadhsiiyey hadaan dhaliilo u jeediyo Xisbiga Kulmiye isla caawa waxa la ii Raadinayaa mid aanu is xigno oo ii Jawaaba, waxaynu wada ognahay Mudada todobada sanadood ku dhow ee Xisbiga Kulmiye talada hayey in habeen Walba TVyada ay ka soo baxaan beelo Ama qabiilo isku jawaabaya iyo kuwo Isku hanjabaya, taasoo aan ahayn wax Iska dhacay laakiin ay tahay saldhiga Siyaasada xisbiga Kulmiye si dadku isku Wada nacaan, beelo, qabiilo, ilaa qofaf. Tusaale ahaan haddii aynu dib u milicsano shirweynihii xisbiga Kulmiye iyo qaabkii loo fadhiyay oo ahaa shir beeleed, xataa madaxweyne ku-xigeenka iyo xaaskiisa ayaa laba beelood ka kala socday.

Hadaba akhriste ma is weydiiyey Xumaanta intaa leeg ee xisbiga Kulmiye ku kala Fogeynayo shacbigan marka horeba faqiirnimada la liita ee gurmadka Iyo gacan qabashada u baahan, ku darsoo xaaladaha qalafsen ee ku xeeran Sii jirtaanka Qaranimada JSL ma inoo Saamaxaysaa in lasii ahaado?

Isku dirka beelaha iyo Qabaa"ilka, kala dirka beelaha iyo qabaa"ilku maaha wax Si fudud loo galay anigu waxaan is Leeyahay hadii xisbiga Kulmiye sii hayo Iney adag tahay sidii loo sii wada joogi Lahaa iyo in dib la isku aamino,

Gedaan loo fileynbaa jirtiyo

Geeda daaq kale