Ururka SSJW Oo Soo Dhaweeyeyay Qodob Ku Jiray Heshiiska Waddani Iyo Mucaaradka Oo Saxaafada Ku Saabsan

0
655

Hargeisa(Geeska)– Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland (Somaliland Society for Independent Journalists & Writers, SSJW) ayaa soo dhaweeyey heshiiska ay todobaadkan kala saxeexdeen xisbiga Waddani iyo siyaasiyiintii isbaysiga ee ku biiray oo uu ku jiray  qodob khuseeya xaqdhawrista xoriyadda saxaafadda oo dhigaya in dacwadaha warbaahinta lagu soo oogo loo raaco nidaamka habka maddaniga ah, kaas oo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani balanqaadeen inay ku dhaqmi doonaan hadii ay doorashadda madaxtinimadda dalka ku guulaystaan.

SSJW waxa uu axsaabta siyaasadda iyo ururadda bulshadaba ugu baaqay inay difaacaan xoriyada saxaafada, kuwaas oo uu sheegay inay ka gaabiyeen doorkoodii marka laga reebo musharaxa madaxwaynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isagu kali ku noqday difaacista xoriyatul-qawlka.

Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland waxay sidoo  kale xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ugu baaqeen inay suxufiyiinta u xidhan xoriyadooda degdeg ugu soo celiso, kana waantowdo sharciga ciqaabta ah ee Somalia ee ay u adeegsato warbaahinta isla markaan ay ciidamadeeda kala baxdo xarunta wargeysyada Haatuf, The Somaliland Times iyo Haatef Al-Carabi. Waxaa sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska uu magaaladda Hargeisa ku leeyahay Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland  ee SSJW, kaas oo uu ku saxeexnaa afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Sagax. Kaas oo isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland (Somaliland Society for Independent Journalists & Writers, SSJW) waxa uu soo dhawaynayaa heshiiska todobaadkan dhexmaray xisbiga Waddani iyo kooxda isbahaysiga, qodobkiisa khuseeya xaqdhawrista xoriyada saxaafadda gaar ahaan in dacwadaha saxaafada lagu soo oogo loo raaco nidaamka habka maddaniga ah, kaas oo ay xisbi ahaan ku balanqaadeen inay ku dhaqmi doonaan haddii ay doorashadda madaxtinimada dalka ku guulaystaan.

Hadaba ururka SSJW waxa uu labada xisbi siyaasadeed ee Kulmiye iyo UCID ugu baaqayaa inay cadeeyaan siyaasadda (policy) ay kula dhaqmi doonaan warbaahinta madaxabanaan ee dalka ka jirta gaar ahaan taaba-galinta xeerka saxaafadda Somaliland ee xeerka Lr 14/2004, kaas oo ay xukuumadii Udub iyo ta Kulmiye is-hortaageen in qodobadiisa la dabaqo marka wax laga qabanayo gafafka ay saxaafaddu  gasho.

Axsaabta siyaasadda iyo ururadda bulshadda waxa waajib ka saaran yahay inay difaacaan xoriyada saxaafadda iyadoo  lixdii sanadood ee u danbeeyey ee uu xisbiga Kulmiye xukunka hayey ay xukuumadu cabudhin iyo tacadiyo faro-badan u gaysatay warbaahinta Somaliland iyo suxufiyiinta ka hawlgala, oo waliba taariikhda Somaliland markii ugu horaysay ay  xukuumadu ciidan hubaysan dajisay xarumo warbaahineed oo ay si sharci-daro ah albaabada ugu laabtay.

Waxase xusid mudan axsaabta mucaaridku gaar ahaan murashaxa jagada madaxwaynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen inuu musaasibada badan oo hore u dhacay oo ay shirjaa’ido uu qabtay ka mid yihiin kaga hadlay dhibaatooyinka ay xukuumadu ku hayso warbaahinta madaxabaan, isla markaana si

is- daba joog ah u caambaarayn jiray  xadhiga suxufiyiin iyo hay’adaha warbaahinta, taas oo uu kali ku noqday marka loo eego hogaamiyaasha asxaabta siyaasadda Somaliland.

Ugu danbayn waxa aanu xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqaynaa inay (1) suxufiyiinta u xidhan ay xoriyadoodii usoo celiso, (2) ka waantowdo sharciga ciqaabta ah ee Somalia ee ay u adeegsanayso hay’adaha warbaahinta, iyadoo uu dalku gaar u leeyahay xeer saxaafadeed oo dhaqan-gal ah iyo, (3) ciidamadeeda kala baxdo xarunta wargeysyada Haatuf, The Somaliland Times iyo Haatef Al-Carabi”.