Shirkadaha Korontada Hargeysa Oo Midoobaya Iyo Mooganaanta Shacabka Ee Halista Kootadaas

0
687

Hargeysa(Geeska)-Shirkadaha caasimadda Hargeysa siiya korontada, ayaa u muuqda inay ku sii siqayaan sidii ay ugu midoobi lahaayeen hal shirkad oo ay wada leeyihiin ragga iska leh shirkadaha caasimadda.

1

Shirkadaha oo markii hore kala ahaa dhawr shirkadood oo kala duwan balse ka midaysan qiimaha korontada oo aad u qaali ah, ayaa imika u muuqda inay midoobayaan taas oo halis ku ah shacabka caasimadda Hargeysa.

Shirkadahan oo ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland ahi, ayaa waxa ay ku midoobayaan hal shirkad oo uu inteeda badan leeyahay nin ganacsade ahi, waxaana shacabka caasimadda Hargeysa ee u badan bulshada danyarta ah ku soo socda shirkad koronto oo si kooto ah u qabsan doonto suuqyada korontada ee Hargeysa, taas oo ay markaas u fududaan doonto in qiimaha ay doonto u gayso korontada oo haddaba halka Unit ku sar go’anyahay hal dollar oo marka loo eego gobalka iyo adduunyadaba ah qiime qaali ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata inay shirkadaha korontada Hargeysa u ogolaatya inay hal shirkad ku midoobaan, iyadoon dareesanayn suuqa kootada ah iyo halista uu ku yahay shacabka ay masuulka ka tahay.

Sidoo kale shacabka reer Hargeysa oo intooda badani ku mashquulsan arrimaha siyaasadda, ayaa u muuqda kuwo aan dhaadhanayn halista ku soo socota oo ay dhawaan haddii aan laga hortagin arki doonaan korontadii Hargeysa oo u gacan gashay shirkad keliya iyo qiimaha imikaba shacabka ku ah dhibaatada oo isna marka la doono sare loo kicin doono.

Shacabka reer Hargeysa ayaa ah kuwo aan danahooda gaarka ah ee arrimaha bulshada ee dayacan ka hadal kuna mashquula siyaasad.