Kulan Dhex Maray Wasiirka Daakhiliga Iyo Saxaafadda Somaliland

0
623

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancada,ayaa kulan balaadhan la yeeshay inta badan warbaahinta ka hawlgasha Somaliland.

Kulankan dhex maray warbaahinta iyo wasiirka arimaha gudaha ayaa lagaga  hadlaayay sidii loo yarayn lahaa qabyaalada iyo adeegsiga magacyada beelaha iyo sidii warbaahintu uga taageeri lahayd wasaarada arimaha gudaha qaadashada kaadhadhka muwaadinnimada.

Shirkan oo socday ku dhawaad laba saacadood waxa uu wasiirku aragtiyahooda kala duwan ee arimahan la xidhiidha la wadaagay xubnihii tirada badnaa ee ka socday warbaahinta kala duwan, shirkaas kadib ayuuna warbaahinta la haday, isaga oo kulankaas ka waramaayayna waxa uu yidhi“Waxaanu kulanay dhamaanba warbaahinta ka shaqaysa Somaliland haday yihiin telefishanada,wargeysada, shabakadaha iyo guud ahaanba meelaha lagu faafiyo wararka, waxaanan u mahad naqayaa dhalinyarada ka socda hay’addahaas oo aqoon is waydaarsi aanu kaga tashanayno sidii Somaliland loo bili lahaa ee wanaageena iyo wixii aynu qabsanay caalamka loogu baahin lahaa, umada Somaliland halka ay ka marayso horumarkana  loo baahin lahaa si aynu u iibino qadiyada Somaliland ee dhabta ah ee maanta caalamku  inagu majiirqanayo.”

 

Wasiir Warancade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaanu ka wada hadalnay in wixii khal khal gelinaya ama xumaan ku samaynaya  horu marka bulshada Somaliland ay gaadhay oo ay ka mid tahay  qabyaalada, wararka aan runta ahayn, kuwa colaada hurinaya iyo kuwa colaada isku gelinaya  umadda Somaliland in dhamaanba laga reebo warbaahinta, oo runtii qayb weyn kaga jirta horu marka dalka iyo nabad galyadiisa,  waxaanan mar kale u mahad naqayaa bahweynta warbaahinta ee sida wanaagsan aanu  u naaqishnay  ee aanu iskula garanay inuu dalkani u baahan yahay in dhinac walba layska taago oo meel looga soo wada jeedsado horu markiisa iyo wanaagiisa.”