Dagaalo Dib Uga Bilaabmay Wadanka Koonfurta Suudaan

0
503

Dagaal ayaa ka billawday dalka South Sudan toddobPicture1aayo kaddib markii ay labada dhinac saxeexeen heshiis xabadjoojin ah.

Dagaalkan ayaa ah kan ugu culus ee ka dhaca dalkaas tan iyo markii heshiiska xabadjoojinta la gaaray.

Afhayeen u hadlay militeriga dalkaas ayaa sheegay in fallaagada ay weerar culus ku soo qaadeen magaalada Malakal, oo caasimad u ah gobolka saliidda laga soo saara ee Upper Nile.

Afhayeenka militeriga Philib Aguer ayaa sheegay in militeriga iyo fallaagada ay ku dagaallamayaan inta badan magaalada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Juba Toby Lanzer ayaa dhinacyada ugu baaqday inay badbaadiyaan dadka rayidka ah.

Dagaalkan ayaa dhaliyay cabsi laga qabo xaaladda goobaha saliidda laga soo saara ee dalkaas.

Saliidda ayaa laf dhabar u ah dhaqaalaha dalka South Sudan. Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar ayaa madax u ah fallaagada ka dagaallamaysa dalkaas.

Waxaa uu ka baxsaday magaalada Juba kaddib markii lagu eedeeyay inuu hoggaamiyay afgembi ka dhacay dalkaas.

Machar waa uu ku gacansayray arrintaas, waxaana uu ku eedeeyay madaxweyne Salva Kiir Mayardit inuu doonaya inuu baabi'iyo mucaaradkiisa.