Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Shalay Xukuno Ku Riday Saddex Weriye

0
561

Picture3Hargeysa(Geeska)-Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa xukun ku riday saddex weriye oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, waxaanay sida oo kale xoriyadiisa u celisay wariyii afraad oo ay maxkamadu sheegtay inay wax danbi ah ku wayday.

Ka dib markii uu xukunkaasi dhacay ayaa saxafiyiintani waxay ka hadleen xukunka ku dhacay iyaga oo mahad celin balaadhan u jeediyey garsoorihii gacanta ku hayey dacwadooda oo ay sheegeen inuu si cadaalad u xukumay dacwadoodaas.

Ugu horayn Siciid Khadar Cabdilaahi oo ka dib markii uu xukunku ku dhacay ka hadlay sida uu u arko xukunkaas ayaa mahad celin balaadhan u jeediyey garsoorihii dacwadooda gacanta ku hayey,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa   “Waxa noo soo dhamaatay dacwadii in mudo ah naloo haystay ee ahayd inaanu samaynay mudaharaad,mudo ayaanu soo noqnoqonaynay oo dacwadayadu socotay, waxaanan u mahad naqaynaa garsoorihii gacanta ku hayey dacwadayada oo aanu ka tirsanayo cadaalad, anaga iyo xukuumaduna cadaw ma nihin, laakiin waxa jira rag isku dira xukuumadda iyo saxaafad waxaanan madaxweynaha ka codsanaynaa inuu ragaas meesha ka saaro si ay u soo noqoto saaxiibtinimadii hore”

Sidoo kale Xasan Maal Dhidar oo ah eedaysanaha lagu waayey  wax danbi ah isla markaasna xoriyadiisa loo celiyay ayaa isaguna sheegay inuu u mahad celinaayo garsooraha maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex oo uu sheegay inuu si cadaalad ah u qaaday dacwadooda, waxaana hadaladiisa ka mid “ Anigu waxaan ahay eedaysanaha xoriyadiisa loo celiyey xukunkan dhacay, waxaanan u mahad celinayaa  dhamaanba warbaahinta intii aanu xidhnayn noo halgamaysay, waxa kale oo aan u mahad celinayaa garsoorihii cadaalada noo qaaday ee sidii uu sharcigu ahaa naga yeelay, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa wasiirka waxbarashada iyo guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka oo aanu magacooda ku joognay mudadii ay socotay dacwadani oo aanu debada joognay.”

Sidoo kale labada saxafi ee Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bashiir Nuur ayaa mahad celin u jeediyey garsoorihii gacanta ku hayey dacwadooda oo ay  sheegeen inay ka tirsanayaan cadaalad.