“Dawladii Hore Iyo Tan Cusub Ee Somaliya Midna Awood Uma Laha Inay Somaliland Xanibto”

0
2382

 

Picture2Hargaysa( Geeska )- Col.Cumar Maxamed Nimcaale (Cumar-yare), ayaa bushada Somaliland u soo gudbiyay in aanay dawlada cusub ee la filaayo inay ka dhalato dalka Somaliya wax awood ah u lahayn inay dunida ka xanibto Somaliland.

 

Cor.Cumar Maxamed Naaleeye waxa uu  Arintan ka hadlay isaga oo ka jawaabay hadal uu shalay baahiyay Wargeyska Geeska Afrika, oo laga soo xigtay guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo xukuumadda uga digay siyaasadaha cusub ee ay Somaliland ku soo waajihi doonto dawladda cusub ee loo dhisayo Somaliya, waxaanu Cumar oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, uu yidhi  “ Faysal Cali Waraabe waxa uu ku soo qoray jariiradan Geeska Afrika in dawlada Cusub ee Somaliya u dhalanaysa loo diyaar garoobo, sababtana waxa uu ku sheegay inay awood u leedahay inay adduunka inaga go’doomiso, ayna waraaqo u qori karto cid kasta oo aanay ciddi inoo iman karin markaas arinkaasu dad badan oo reer Hargaysa ah intaan arkay ayuu aad uga fajaciyay oo I waydiiyay ma waxa jira sharci siinaya Somaliya awoodaas Cumaraw, markaas waxaan ku idhi maya ma jirto, waxaanan leeyahay umadda Somaliland arinkaas uu Faysal yidhi waxa uu uga jeeday uun cadaw weeyaan dalkaasuye in loo diyaar garoobo.” Hadalkiisa isaga oo sii wata waxa uu yidhi “ Waxaanan cadaynayaa in aanay kuwii hore iyo dawladan Cusub ee Somaliya toona awood u lahayn inay Somaliland Xanibto, sababta oo ah waxa ay halkan xafiisyo ka joogaan  qaramada midoobay, hay’ado caalami ah, Safaarado kuwo kale way soo socdaan, waxa timaada dalka wufuud heersare oo ka socota Maraykanka, Yurub,Afrika Iyo qarama-damidoobay, markaas haddii ay ogyahiin in  dawlad cusub haddii ay timaado Somaliya ay go’doominkarto Somaliland  cidi-inoogumay timaadeen.”

Isagoo Col. Cumar, hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “ Waanad ka war haysaan shirkii beesha caalamku ay isugu yimaadeen London inay yidhaahdeen Somaliland iyo Somaliya waa inay wada hadaladan  iyada oo adduunka oo dhan uu ka warhayo in  aynu kala nahay laba dal, laakiin ay Somaliya ku doodayso inay ina-leeyahiin, inaguna aynu leenahay wax sharciya oo inaga dhaxeeyaa ma jiraan, haddii  barigii aynu is raacnay Somaliya labada-baarlamaan ay saxeexi lahaayeen is raaca, shacbiga Somalilandna la waydiin lahaa inay israaci ogalyahiin sida Konfaruta Sudan oo kale, maanta waxay wax ka jiri lahayd taas uu Faysal sheegay. Markaas anigu reer Somaliland waxaan leeyahay wax aad ka war-wartaana ayaanay jirin, Faysalna waa nin Reer Somaliland ah oo aan u aqoonsanahay muwaadin, laakiin waxa uu u jeeday malaha caqligayga ileen waa uu garanayaaye in la taxadiro oo ay midoobaan reer Somaliland.”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday Col.Cumar Maxamed sharaxaad uu ka bixiyay waxay ku kala duwanyahiin dawladii fadaraalka ahaa ee Somaliya iyo tan hadda la filaayo inay ku meel gaadhnimada ka baxdo “ Dawladan la’ leeyahay waa ku meel gaadh iyo tan la leeyahay waa mid cusub waa isku mid, ee waxa u dhexeeya waxa weeye tan imika joogta iyo kuwii hore ee ku meelgaadhka ahaaba waxay ahaayeen dawlad Somaliya ah oo dalkooda way xukumayeen, laakiin gacanta ayaa lagu hayay oo qaramada-midoobay iyo beesha caalamka ayaa lahayd sidan yeela oo sidan yeela, oo awoodii waxa ay rabaan ay ku samaysan-lahaayeen ayaanay lahayn, laakiin tan kumeelgaadhnimada ka baxday waxa kaliyaata ee ay kaga duwantahay ku meel gaadhkii  waxa weeyaan in aan dibada laga soo faragalin oo anay qarmada midoobay ama beesha caalamku waxba u yeedhin karin, taas uu Faysal sheegayana Somaliya waxay ku samayn kartaa maamulka Garoowe oo kamid ah.”