Hargeysa (Geeska)- Ma jirto hooyo awoodi karta in ay iska caabbido kalgacalka xad dhaafka ah ee ay u qabto dhunkashada madaxa ilmaha yar, ee dhowaan dhaladka ah. Xiisahaas oo mararka qaarkood gaadha heer ay hooyadu is ogaan weydo illaa ay dhunkato, ayaa ay dad badani is weydiiyaan sababtiisa iyo illaa xadka uu qodan yahay, ama xaqiiqada waxa awooddaas badan leh ee dareenkan ku riixaya, waxaa iyaduna la mid ah xiisaha ay hooyadu dad iyo xoolaba u qabto ursashada ilmaheeda, oo ay joogto weliba ugu celceliso iyada oo cidda eegaysaa ay ka dareemayso in ay macaansanayso urtiisa.
Cilmibaadhis cusub oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Aafaaq eek a faalloota cilmunafsiga ayaa lagu sheegay in waxa afka qalaad lagu yidhaahdo Neurotransmitters ka oo ah maaddooyin kiimikaad oo ku jira halka ay unugyada neerfeed iskaga ixdhmaan ay maskaxda qofka u diraan ishaarooyin sababa in ay maskaxdu soo deyso maaddo lagu magacaabo Dopamine oo door weyn ka qaadata in qofka uu ku abuurmo dareen raaxaysi, farxad iyo nidyaad wanaag ah oo weliba qaab balwad ah qofka u qanciya.
Haddaba maadaddaas ayaa isbeddel dhinaca hormoonka ah ku abuurta hooyadu isla marka ay uriso ilmaheeda dhowaan dhaladka ah, kadib waxa ay noqotaa quwad xoog badan oo ku riixda in ay nooc uun xidhiidh ah ilmaha la samayso, iyada oo aan is celin karayn ayaanay ilmaha ursataa oo urtiisa ku raaxaysataa isla markaana dhunkataa, weliba sida ay khubaradu sheegeen arrintani kuma koobna hooyada ee xitaa dumarka aan weli carruur dhalin ayaa haddii ay ilme yar oo dhashay arkaan dareenkani ku abuurmaa, oo jeclaysata in ay dhunkadaan.
Daraasaddu waxa ay sheegtay in xiisahan ka dhashay abuurka bayooloji ee uu Alle hooyada ku beeray in uu gaadhsiisan yahay heer lagu mesaali karo maandooriyaha oo qofka qabatimaa urtiisa ku raaxaysto ama aanu ka tegi karin, isaga oo oo laga dareemayo baahida uu u qabo, waxa aanay khubaradu sheegeen in hooyadu sida cuntada ama cabbitaanku qofka u qabto ay u qabato ursashada iyo dhunkashada ilmaha yari. Halkaas oo ay sidoo kalana ka abuuranto in ay firfircoonaadaan hormoonnada la xidhiidha caanaha hooyada, oo ay hooyadu markaba u godlato ilmaheeda urtaas darteed.