Agaasime Lagu Eedeeyay In Baabuur Ay Hay’adi Bixisay Uu Nambar Shicib U Samaystay

0
4465

 

Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha guud ee wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi, ayaa lagu eedeeyay inuu nambar shicib ku dhejiyay baabuur ay hay’adda IOM ugu deeqday wasaaradda, kaas oo uu si gaar ah u wato.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib u dejinta Somaliland ayaa shalay  xilkii  u kala wareejiyay agaasimihii Xafiiska Barakacayaasha ee MRC Cabdiqani Daahir,  ka dib markii ay dhawaan isku  khilaafeen gaadhi uu sheegay in la siiyay MRC oo uu Agaasimaha guud si gaar ah u isticmaalo, taasina ay sababtay  in wasiirka dib udajintu xilkii kaqaado Cabdiqani Daahir.

Agaasimaha MRC C/qani Daahir oo markii xilka laga wareejiyay ka dib warbaahinta u waramay ayaa sheegay in shaqada looga fadhiisayay muran dhex maray isaga iyo Agaasimaha guud ee wasaarada dib u dejinta oo Xafiiska Hay’ada MRC hoos yimaado, kaasoo ka dhashay Gaadhi Laan kuruusar ah oo ay Hay’ada IOM xafiiska MRC ugu deeqday, balse muddo yar ka dib uu la wareegay Agaasimaha guud ee Dib u dejinta oo u samaystay Nambar shicib.

Mr C/qani waxa uu sheegay in markii uu agaasimaha ka dalbaday inuu gaadhigaasi soo wareejiyo shaqada laga joojiyay, isla markaana aanay jirin sabab kale oo xilka looga qaaday, isagoo ku dooday inuu wax badan qabtay mudadii uu xafiiskaasi agaasimaha ka ahaa, kana saaray dalka in ka badan kun qof oo aan u dhalan mudadii uu Hay’adaasi haystay.

Agaasimaha oo aanu xalay  isku daynay inaanu eedayntan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.